Somaliland Oo Shaacisay Inay sii Daynayso Wiil Muqdisho ka Yimid loo Xiray Calanka Somaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin, ayaa sheegay inuu sida ugu shaqsiyaha badan ugu howlgalayo sidii Somaliland usii dayn lahayd wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Bilaal Bulshaawi, oo muddo ku dhow labo bilood ku xiran Hargeysa.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa hadalkaan ka sheegay kulan lagusoo dhoweynayay Duuliye Axmed M Xasan “Axmed Dheere” oo xilligii dowladdii dhexe iska diiday in diyaarad uu duuliye ka ahaa duqayso Hargeysa.

Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah barta Tiktok, ayaa loo xiray kadib markii isagoo Hargeysa ku sugan uu bulshada la wadaagay calanka Soomaaliya oo lagu dhex sawiray koob Shaah ah.

Hay’addaha dambi baarista Somaliland, ayaa codsaday in xabsiga lagusii hayo Bilaal, kadib markii maxkamada lasoo taagay dhawaan.

Qoyskiisa ayaa maalmo ka hor ka codsaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in wiilkooda xoriyadiisa loosoo celiyo.