Waa kuma Khabib Nurmagomedov – ninka Muslimka ah ee garaacay Justin Gaethje

Khabib Nurmagomedov ayaa sii adkeystay rekoorkiisii cayaaraha feerka fudud ee ka dhacay Abu Dhabi laakiinse ciyaarta ka dib ayuu ku dhawaaqay inuu ka fariistay cayaaraha UFC.

Khabib Nurmagomedov oo u dhashay dalka Ruushka ayaa waxa uu garaacay ustin Gaethje intii lagu guda jiray wareegga labaad ee cayaarta. Labada lugood ayuu luqunta uga qabtay taasi oo horseedday inuu Justin Gaethje gacanta taago oo uu is dhiibo.

Guushaan ayaa waxay u ahayd mid muhiim ah, oo 29 kulan ayaanan laga badin, wuxuu sidoo kale ku guuleystay 155 koob oo ah feerka fudud.

Nurmagomedov ayaa sheegay inuu guushaan aabihii ku maamusay oo tabare u ahaa. Abdulmanap ayaa geeriyooday bishii July ka dib markii uu ku dhacay fayraska corona.

Ka dib markii ay cayaarta dhammaatay waxa uu kooxdiisa ka codsaday iney ka bixiyaan galoofiska gacmaha ka hor inta uusan ku dhawaaqin ka fariisiga cayaaraha.

“Marnaba ma dhacayso inaan markale halkaan imaado aabahay oo aan ila socon,” ayuu yiri. “Waa markii igu horreeysay ka dib geerida aabahay oo laygu yeero inaan la dagaallamo Justin, ka hor inta aanan go’aan gaarin hooyaday ayaan 3 maalmood kala hadlayay.

“Hooyaday ma doonayn inaan dagaalkan ka qeyb galo aabe oo aan ila socon, balse waxaan ka ballan qaaday inuu noqon doono dagaalkii igu dambeeyay marka waa inaan ballanta hooyaday fuliyo.”

Laakinse sidee buu ku gaaray heerkan ah inuu ka mid noqdo ragga magaca weyn ku leh cayaaraha dagaalka?

Muddadii ugu dheerayd ee aan laga badin

Nurmagomedov waa awood aan la loodin karin.

Marka lagu daro guusha uu ka gaaray McGregor, wuxuu galay 27 dagaal muddo 10 sano ah oo uu cayaartan ku jiray, dhamaantoodna wuu ku guulaystay.

Waa wakhtigii ugu dheeraa ee qof uu guul ku naaloodo taariikhda cayaaraha MMA.

Si uu heerkaas u gaaro waxaa ka horreeyey marxalado uu soo maray.

Qofkii ugu horreeyey ee Muslim ah ee ku guulaysta horyaalka UFC

Ma aha qofkii ugu horreeyey ee Ruush ah ee ku guulaysta UFC, laakin sidoo kale waa qofkii ugu horreeyey ee muslim ah ee guushaas gaara.

1988 ayuu ku dhashay Dagestan oo ku taalla gobolka waqooyiga kawkasaska ee Ruushka, wuxuuna asal ahaan ka soo jeedaa qowmiyadda Avar.

Aabihiis Abdulmanap waa ruug caddaa magac ku leh milateriga oo baray legdenka – waana cayaar aad looga cayaaro gobolkaas Ruushka ku yaalla – wixii ka dambeeya marka ay ilmuhu gaaraan da’da 8aad.

Abdulmanap wuxuu dabaqa hoose ee dhismaha uu degganaa ee magaalada Kirovaul uu ka dhigay meel jir dhiska lagu sameeyo (Gym), halkaasoo Nurmagomedov uu ka billaabay inuu si dhab ah u barto xirfadda dagaalka.

taasi waxay ahayd billowgii hawl wakhti dheer qaadatay oo Abdulmanap uu ku hormariyey rag sida loo dagaallamo bartay.

Nurmagomedov wuxuu qoor sagaaro ku qabtay Conor McGregor wareeggii afaraad ilaa uu McGregor is dhiibay

Laakin wiilkiisu wuxuu muujiyey inuu yahay ninka ugu guusha badan, uguna heerka sarreeya UFC.

Aabihiis kama uusan baran legdan oo qura ee wuxuu ka bartay Judo iyo Sambo, oo ah xirfad dagaal oo asal ahan laga soo min guuriyey milateriga Ruushka 1920 meeyadii.

Sambo waa kalmado la soo gaabiyey oo ka yimid SAMozashchita Bez Oruzhiya, oo micnaheedu yahay is difaacid hub la’aan ah.

Khabib Nurmagomedov iyo Conor McGregor

Bishii Maajo, wuxuu garaacay Abel Trujillo, isagoo markaa dhigayey rikoorka cusub ee UFC ee muddada ugu dhakhsiyaha badan ee qof cayaar looga saaro. 21 goor ayuu ku guulaystay 27kii goor ee uu cayaaray.

Ka dib, bishii Siteembar wuxuu garaacay Pat Healy oo Maraykan u dhashay, ayadoo guusha lagu siiyey ga’aan ay garsoorayaasha oo dhan isku raaceen. Dana white oo ah guddoomiyaha UFC ayaa laga hayaa “wiilkan waa mid xiiso leh. waxyaabo badan ayaan filayaa in aan wada samayn doonno wiilkan”.

Sidaasoo ay tahay, Nurmagomedov wuxuu sii waday inuu cayaaro, si aan toos ahayn, dhaawacyo is xigxigay ayaa la soo dersay, kuwaasoo baajiyey dhowrsanadood oo uu cayaari lahaa, niyad jabna ku beeray.

Laakin wuxuu mar kale dib u soo noqday Abriil, 2018.

Khabib Nurmagomedov
xigasho bbc