Xaakim Ka Tirsanaa Maxkamad Ciidnka Oo Lagu Toogtay Garowe

Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi ay Kooxo hubeysan ku dileen kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda Darajada-koowaad ee Ciidamada Puntland.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in, isaga oo marayay Hooygiisa agtiisa ay toogteen Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi Jaamuus oo ka tirsanaa Maxkamadda Ciidamada Puntland, iyaga oo dilka kaddib goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Laamaha Ammaanka Magaalada Garoowe weli kama hadlin dilkaas, hayeeshe wararka saaka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska ay weli wadaan howlgallo baaritaano ah.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay kamid tahay degaannada ugu amniga wanaagsan Puntland, waxaana weli la ogeyn dadka ka dambeeyay dilka, balse dilalka noocaan oo kale ah ee gaadmada ayaa waxaa inta badan sheegta Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.