Xiddigaha Kooxda Koowaad Ee Barcelona Oo Diiday Qorshihii Mushahar Dhimista

Josep Maria Bartomeu ayaa waji gabax kala kulmay qorshihii uu ku doonayay inuu hoos ugu mushaharka ciyaartoyda kooxda iyo shaqaalaha kaddib markii ciyaartoyda kooxda koowaad ay si buuxda u diideen inay mushaharkooda hoos u dhigaan.

Madaxweynaha Barcelona oo culays weyni uu saaran yahay, isla markaana la sheegayo in codka kalsoonida loo qaadayo oo ay suurtogal tahay in xilka laga xayuubiyo inta aanay dhamaanin bishan October, ayaa waxa uu doonayay inuu dhibaatada dhaqaalaha ee kooxda ku habsatay uu xal u helo, si ay suurtogal u noqoto inuu kursiga ugu sii negaado.

Xiddigaha Barcelona oo uu hoggaaminayo Lionel Messi oo hore uga cawday mushahar dhimistii hore ay u sameeyeen ee 70% ahayd ayaa waxay hadda gaashaanka ku dhufteen inay mar kale kooxdu kusoo laabato jeebaddooda.

Jimcihii ayaa laga sugayay ciyaartoyda inay jawaab ka soo bixiyaan codsi mushahar dhimis 30 boqolkiiba ah oo shaqaalaha iyo ciyaartoydaba la doonayay in lagu sameeyo, taas oo wada-xaajoodkeedu uu soconayo illaa October 22.

Qorshaha mushahar dhimista oo kooxdu ay doonaysay inay ku dhinto hoos u dhaca dhaqaale ee ku habsaday oo hadda deynta lagu leeyahay ay ku dhow dahay 500 milyan oo Euro, ayaa waxa la sheegay in maamulku ay isku dayi doonaan inay ku qanciyaan xiddigaheeda, taas oo haddaba lasii sheegayo in ciyaartoyda go’aankoodu yahay in aanay mar kale mushahar dhimis samaynin.

Miisaaniyadda Kooxda ayaa la sheegay inay qasab tahay in xili ciyaareedkan ay ka dhinto 19% kharashaaraadka, si ay taas u hirgelisana ay samayn doonto wax kasta.

Qodob horyaalla maamulka kooxda ayay wararka kutidhi-kuteenka ah ee Catalonia sheegayaan inay ku qasbi doonaan ciyaartoyda iyo shaqaalaha inay u hoggaansamaan mushahar dhimistan, taas oo haddii ay dhacdo keeni doonta in ciyaartoyda waaweyn ee kooxdu ay bisha January iskaga tagaan kooxda.

Si kastaba, tallaabada xigta ee ay qaaddo kooxdu ayaa la eegi doonaa kaddib go’aanka ciyaartoyda ee ah in aanay ogolaanayn inay mushahar dhimis sameeyaan.