XINIINYO RAG KALE KU XAASH-XAASH

Horena waa laguu yidhi hadana waan kuugu celinayaye wax qabadki Ahmed Siiranyo ma sheegan Kartid mohamoud xashaw qofka halabuur aanu lahayn, tacab aanu lahayn ama guul cid kale ku suntantahay ku faana ayaa la yidhaa xiniinyo rag kale ku xaash-xaash qofka umadi dooratay ee hogaamiye noqda Ayaa raadkuu ka tegey sheegan karaa hadii kale waxa tahay alle hawnaxariste kii uu(( BOON XIRSI )) sheegay ee ban ka qooqa ahaa

(CAY-YEEY NINKEED SUDHAN) aniga cayda waxa lay baray (( CEEB )) FAANKANA IYO HADALADA CANTRA-BAQASHKNA JAHLI)) abwaanba laga hayey nin u jeedo kaalihi kuu-samee kun iinood sharaftaada iib-gee

eryayda mohamoud afkiisa ka soo baxaya ayaa umada ugu filan wuxu yahay cayda, fadeexada reer wax ka sheega qoys wax ka sheega intuba waa calaamadaha saaqidka siyaasada mark uu ka gudbi kariwayo caqabadaha siyaasadeed ee la so dersa ayuu nafta wehel uga dhigaa cay iyo cantara-baqash mohamoud gabay iyo maahmaah midna kuuma banaana inta uu degelkaagi colaadi qayrkeed ka reebtay caruurti caqli xumo u iskuul beeshay, biyo beeshay nolol beeshay siyaasadu Uma baahna geed sare waab arinta degelkaaga ee dagaaladu aafeeyeen intaad umada u sheegayo nin faranji siduu dalkiisa u horumariyey maxay ta degelkaagu kuugu muuqan weyday 4 bilood bay dawladu fadhidey degaankaga o sida caruurta la kala sasabayey xoolihii qarankuna ku dhamadeen

(( Masnadaa jaqayseen haday muxubo ku hayso malkadeedi aarba fadhiya loona mariwa ))
Haday xukuumadi mujaahid halgama ahmed siiranyo shalay kuu ahayd midhihii doocaan kani Waa galool mudhay midho iyo caleeni toona Kama so daataan maroodiguna ma Lii-liijin karo ee waxaba hawdar-daarwarin
sacaa jiilaalka ka dooga ee mohamodow ma sacbaad ka liidataa sanadba darka kamaad sii maqnayne, xooluhu marwa waa cosob daaq,marna waa calyo daaq marna waa celiyaay mariyaay sanadba adigoon kursiga ka sii maqnayn bay siyaasadaadu gaadhay celiyaay mariyaay

Af- kugu yaaloon eeda ka duwin alle goo baa la yidhaaye mohamoudow 3) arimood mar danbe inaad wax ku hesho haw-fadhiyin
1. damac waalan 2) degaan bilaa cashuur ah 3) cay doqoniimo, kursiga maaha wax hadiyad laysagu deeqo ee waxa lagu gaadha geesinimo, daadcadnimo, hal-adayg codkar-nimo, dulqaad, ku dhac iyo inaad tahay nin-celis rabi iyo ragba yaqaan sokeeye iyo shisheeye rag wax iskaga tirinayo oo aan dhii-dhii loola iman karin
2. Xadiisyada, maahmaahaha, gabayda odhaahyada midba meel Laga keenay mohamoud haday aqoontaasi ku jirto degelkaagad waxu ugu qaban lahayd, ahmed siiranyo dadka kuu khalday hadase umadu way ku aragtaa intaa ku ekaw hadii kale (( ONE AND ONE IS TWO ))

Ibrahim Adan Elmi (Qumaaj)

UK