Benjamin Netanyahu oo shaaciyay in uu booqanayo Baxreyn

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta shaaca ka qaaday in dhawaan uu booqan doono dalka Baxreyn kaddib casuumaad uu u fidiyay dhaxal sugaha dalkaas Salmaan Bin Hamad Al Khaliifa.

Kaddib markii khadka teleefoonka ay ku wadahadleen, Netanyahu wuxuu sheegay “Labadeena waxaana ka dhuursugeynaa sidii shacabka labada iyo dalalkyaga ay uga faa’ideysan lahaayeen miraha nabadda”

Bishii September ayay aheyd markii madaxweyne Trump uu shaaciyay in Baxreyn iyo Israa’iil ay wada gaareen heshiis nabadeed oo dib loogu soo celinayo xiriirkooda.

Shaley ayay aheyd markii warbaahinta Israa’iil ay ku warrantay in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu si qarsoodi ah ula kulmay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan kaddib markii uu Axaddii booqasho ku tegay dalkaas.