Qadar oo aqoonsatay waaliddiinta ilmo lagu tuuray qashin qub yaallay garoonka diyaaradaha ee Dooxa

Qadar ayaa aqoonsatay waaliddiinta ilmo yar ooo bishii lasoo dhaafay lagu tuuray qashin qub yaallay garoonka diyaaradaha ee Dooxa.

Dacwad oogayaasha Qadar waxay sheegeen in haweeneyda ilmaha ku tuurtay halkaas ay kasoo jeedo qaaradda Asia isla markaana ay socdaan dadaallo lagu tarxiilayo.

Waxay intaas ku dareen ‘ Baaritaan la sameeyay kaddib ayaa la ogaaday in in aabaha dhalay canuga uu isna yahay Asian’

Waxaana sidoo kale caro ka dhalatay qaabka loola dhaqmay haween rakaab ah oo ku sugnaa garoonka markii la raadinayay waaliddiinta dhalay canuga lagu tuuray qashin qubka yaallay garoonka diyaaradaha ee Dooxa.

Haweeneydan ayaa wajahi kartaa 15 sano oo xarig ah waa haddii loo gacan geliyo dalkii ay kasoo jeeday isla markaana lagu helo dambiga.

Waxaana la rumeysan yahay in aabaha dhalay canuga uu ku sugan yahay Qadar, makala cadda in dacwad loogu soo oogi doono iyo in kale.

ilmaha yar waxaa daryeeliddiisa la wareegay dowladda Qadar.