Somaliland Oo Xukun Adag ku Riday Nin Kufsi Iyo Dil ka Gaystay Burco.

Maxkamadda gobolka Togdheer ee Soomaaliland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Nin lagu Magacaabo Sakariye Cabdi Yuusuf, kaas oo la sheegay in lagu helay fal isugu jira kufsi & dil.

Ninka la xukumay ayaa loo heystaa fal kufsi iyo dil ah oo Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer loogu geystay 11-kii Bishii Oktoober ee sanadkan Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi, oo ahayd Hooyo heysatay Saddex Carruur ah, sidoo kalena dhignayesay Jaamacadda Magaalada Burco.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Soomaaliland ayaa sheegay in, kaddib cadeymo iyo marqaatiyaal loo helay kiiska Ugbaad Cali falkaasi loogu xukumay dil toogasho Sakariye Cabdi Yuusuf oo lagu helay kiiskaas.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hray u sheegay in aan lag hari doonaan qofka lagu helo kiiskaas, isaga oo amray in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay.

Cabdinaasir Cali Cabdullaahi oo la dhashay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi ayaa horay u sheegay in walashiis six un loo dilay, kaddib markii dhulka Madaxeeda lagu garacaabay, sidaasina ay ku dhimatay.

Degaano badan oo ka tirsan Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay sanadkaan gudihiisa falal isugu jiray kufsi iyo dil loo geystay Gabdhao aad u yaryar, waxaana aad u yar dad loo qabtay ama loo maxkamadeeyay kiisaskaas.