Buhari oo loo yeeray kaddib xasuuq ka dhacay Nigeria

Xildhibaanada baarlamaanka ee Nigeria ayaa u yeeray madaxweynaha dalkaas Muhammadu Buhari kaddib dilkii tiro beeraley ah oo loogu geystay gobolka waqooy bari ee Borno, sida ay ku warrameyso warbaahinta gudaha.

Xildhibaanada oo ka doodayay arrintan ayaa ku tilmaamay xaaladda mid deg deg ah oo heer qaran si xal loo raadiyo.

Ugu yaraan 43 qof oo beeraley ahaa ayaa dhawaan lagu dilay beertooda xilli ay ku howlanaayeen goosashada bariiska deegaanka Zabarmari halka tiro kalena weli la la’ayahay.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in tirada dadka la dilay ay intaas ka badan tahay oo ay gaareyso 110 isla markaana aanan weli la xaqiijin tirada dhimashada.

Ciidamada Nigeria ayaa dhaleeceen loo jeediyay kaddib xasuuqa loo geystay beeraleyda, waxaana sidoo kale jiraa walaaca ah in aysan heysan hub ay kaga hortaggaan maleeshiyaadka. Kooxaha maleeshiyaadka ah ee ka howlgala halkaas ayaa ku eedeeyay dadka deegaanka inay basaasayaan.