Gabadha Trump oo su’aalo laga waydiiyay musuqmaasuq

Gabadha uu dhalay madaxweyne Trumo ayaa su’aalo laga weydiyay eedeymo musuqmaasuq kaddib markii la sheegay inay isdaba marisay lacagihii loogu talagalay caleema saarka Trump sanadkii 2017-kii.

Dacwad uu gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee degmada Colombia ayaa lagu eedeeyay Ivanka Trump inay ku takrifashay lacago loogu talagalay caleemo saarka iyadoo loo marayo ganacsiyada Trump si loogu faa’ideeyo.

Huteelka Trump uu ku leeyahay Washington ayaa la sheegay in ‘kharash badan oo xaad dhaaf ah in lagu bixiyay’

Ivanka Trump ayaa dhaleeceesay dacwadda loo heysto isla markaana ku tilmaamay ‘Arrin la siyaasadeeyay’

Qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka waxay ku sheegtay in qiimaha lagu bixiyay huteelka xilligii la caleemo saarayay aabaheed uu ahaa mid macquul ah oo caddaalad ah.

Aqalka Cad weli kama uusan hadlin eedeymaha loo jeediyay gabadha Trump.

Si kastaba, guddiga caleemo saarka madaxweynaha waxay sheegeen in lacagaha si madaxbanaan loo baaray oo aysan jirin si sharci darro ah loo adeegsaday.