Sidee maalqabeen ku noqon kartaa? raac 10 qodob

eff Bezos waa ninka ugu taajirsan caalamka wuxuuna hoggaamiyaa mid ka mid ah shirkadaha ugu guusha badan caalamka, waana shirkadda Amazon oo isga uu ka yahay milkiile.

Ma ahan buunbuunin, in la dhoho shirkaddaas teknolojiyadda ma guuleysan lahayn haddii aysan ahayn dadaalka adag ee uu ku bixiyay Jeff Bezos.

“In shirkaddan ahayd bakaahro loo badalo mid wax walba iibisa, waxay u baahan tahay maskax badan, qorsheyn la xiriirta in khatarta loo bareero iyo hal-abuur,” waxaa sidaasi yiri saxafiga lagu magacaabo David Baker oo barnaamij uu ugu magac daray “Inside the Mind of Jeff Bezos” sameeyay.

Jeff Bezos Higsiga kuma koobnayn oo kali ah hal-abuurka ganacsiga, ee waxay ahayd mid ku saabsan waxyaabihii uu daneynayay”.

Balse su’aashu waxay tahay sidee ayuu Bezos hormarkan ku gaarsiiyay shirkadda?

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa 10 qodob o horseeday gusha uu gaaray milkiilaha Amazon, Jeff Bezon.

1. Dhibaato kasta xal ayay leedahay marka laga fikiro hal-abuurna lala yimaado

Bezos, markii uu yaraa wuxuu aamin sanaa aragtida la xiriirta awoodda hal-abuurka.

Waxaa uu xilliyada xagaaga, waqti la soo qaadan jiray awowgii oo ku nool tuula yar oo ku taalla gobolka Texas, Waxaa uuna xilligaa hagaajin jiray wax walba oo farsameyn iyo hal-abuur u baahan.

Awoowgii ayaa mar waxaa lacag badan looga qaatay hal-abuurka arrimaha casriga ah, ka dib markii uu shil gaari uu galay, uuna ku waayay suulkiisa. Wuxuu galay qalliin loogu sameeyay suul macmal ah iyadoo la adeegsanayo qaab casri ah.

Waa sheekadan midda uu ilaa maanta ka sheekeeyo Bezos.

2. Qofka macmiilka ayaa mar walba saxan

Tom Alberg ayaa ku tilmaamay agaasimihii hore ee shirkadda Amazon, Mr Bezos “mid u dhashay sida loola dhaqmo macaamiisha”.

Wuxuu intaa ku daray: “Wuxuu donayaa in caalamka uu wax ka badalo, waxayna maskaxdiisa mar walba ku xiran tahay qancinta macaamiisha. Haddii aad lacag sameysid wax badan ayaad qaban kartaa.”

3. Dib u laabo ka dibna horey isu ballaari

Sunil Gupta, oo ah macllin dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Harvard, ayaa hal-abuurka Amazon ku tilmaamay wax soo saar cusub iyo adeeg uu ku qeexay “dib u noqo ka dib-na horey isu ballaari,” taasoo uu ku micneeyay in dib loo laabto oo la darso waxyaabihii sababay dhibaatooyiinka ay wajaheyso Shirkadda, ka dib-na horey loo socdo.

Waxay arrintani micnaheedu yahay in shirkadad Amazon ay ka fikirto waxa ay macaamiisheeda rabaan ka dib-na ay ka shaqeyso sidii ay u heli lahaayeen.

Bezos

4. Mar walba waa maalinta ugu horeysa

Warbixin kasta oo sannadle ah oo ay soo saarto shirkadda Amazon, waxaa lagu soo daraa nuqul ka mid ah warqaddii ugu horeysay ee dadkii shirkada saamiga ku lahaa.

Waxaa khudbooyiinka lagu daraa muhiimadda ay leedahay in laga fakaro in maalintaas ay tahay “maalinkii ugu horeeysay” ee shirkadda, taasi oo micnaheedu yahay in mar walba la joogteeyo oo la sii wado baahidda iyo oonka loo qabo hal-abuurka iyo guusha ganacsiga.

In maalintaasi loo fakaro waxay tahay xilligii labad ee Bezos uusan khiyaarka lahayn.

Waa taa midda ay muhiimad u leedahay in loo fikiro in shirkadda ay maalintaas soo billaabatay, dhidibadana loo aasay,” ayuu yiri.

5. Ka awood badi

Markii ay sida xowliga ah ku bilowdeen bogagga internet-ka, sannadkii 2000, oo amnigoodana uu halis ku jiray, Bezos wuxuu u bareeray halista wuxuuna Amazon u furay dad kale oo dibadda ah oo maalgashan kara. Waxay ahayd tallaabo lama filaan ah, wuuna ku faa’iday.

Meelaha uusan guulaha waaweyn ka gaarin waxaa ka mid ah in uu galay ganacsiga mobile-lada. Sikastaba, sida Bezos u aaminsan yahay in halista loo bareero waa mid aad u xoog badan.

Sidoo kale, Caadi ayay la tahay in uu isaga haro mashaariicda qaar, uuna ku daro waxyaabaha uu khibradda u soo yeeshay.

John Rosman, oo horey Amazon uga ahaa madaxa fulinta iyo qoraaga The Amazone Way, wuxuu sheegay in Jeff Bezos “uusan dan ka lahayn in uu gaaro go’aan uusan garaneyn meesha uu ku socdo iyo halka lagu gaari karo,” waxaana tusaale u ah Teknolojiyadda Alexa.

Calaamada shirkadda Amazon

6. Guuldarada waa waddada guusha

Mashaariicda aysan ka muuqan natiijo wanaagsan ma ahan oo kaliya mid qeexeya sida Bezos uu ugu bareerayo khatarta, balse waa mid muujinaysa go’aanka uu ka qaato guuldarada.

7. Waliga ha ka qoomameynin wax aad isku day’day

In guuldarada aanan ka cabsan waxay barbar socotaa in guuldarada aadan ka qoomameyn.

Bezos ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan arrintan, mar uu dod la galay Matthias Dobfner, oo ah madaxa shirkadda wax daabacda ee Axel Springer.

“Markaad ka fikirto waxyaabaha aad ka qoomameyn doonto, marka aad gaarto da’da 80 sano jir, waa waxyaabaha aanan wali sameynin. Waxaa dhif iyo naadir ah in aan ka shalaayno wax aan sameynay laakiin sidii la rabay u shaqeyn waayay ama fashilmay.”

8. Muuji Fikirkaaga

Ninka wax ka qoray Bezos, Brad Stone wuxuu rumeysan yahay in madaxa shirkadda Amazon uusan dimuqraadiyadda aaminsanayn, marka ay timaado in go’aanka ugu dambeya la qaato xilliyada la fadhiyo shirka guddiga fulinta ee shirkadda, haddana wuxuu Bezos sidoo kale aminsan yahay in ay wanaagsan tahay in la yeesho dood daacadnimo ku dhisan.

John Rosman ayaa rumeysan in shirkadda Amazon ay arrintan kaga duwan tahay shirkadaha kale ee la midka ah.

mid ka mid ah xarumaha shirkadda Amazon

9. qeyb ka noqo tartan

Bezos waxaa uu tartan adag kula jiraa shirkado. Wuxuu Brad Stone tusaale u soo qaatay shirkadda teknolojiyadda ee Alexa.

Waxay u muuqatay in markii shirkadda Apple ay sameysay barnaamijka Siri, in shirkadda Google na ay noqon karto mid leh cod wax walba qeexaya.

Waxaa uu yiri: “Shirkadda Amazon wax micno ah ma aysan u lahayn oo hormuud uma ahayn dhanka tiknoolajiyada, balse Jeff Bezos waxaa uu ahaa agaasimaha mashruuca Alexa, waxayna shaqa abuur u noqotay illaa 10,000 oo qof, sababtoo ah ma uusan dooneyn in uu quusto oo ay xilligaasi guusha raacdo shrkadaha kale ee tartan kula jiray.”

10. Eeg mustaqbalka fog

In la qorsheysto illaa wax yaabaha suuragalka ah mustaqbalka fog ayaa udub dhaxaad u ahaa guusha Bezos iyo shirkadda Amazon.

John Rosman ayaa farta ku fiiqay in Bezos “uu doonayo, uuna dulqaadkeeda leeyahay, in 10 sano uu sugo si uu lacag u sameeyo, wuxuuna u dhabar adeygaa shayga uu u arko in horumar lagu gaarayo”.