Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Gacan Adag Wax Kaga Qabato Dhaqan-xumada Iyo Dilalka Soo Badanaya

Hargeysa (Gnet) – Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ayaa ka digay dhaqan-xumada, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay gacan adag wax kaga qabato dilalka dalka ku soo kordhaya, xilli muddooyinkii u dambeeyey saddex haween dilal loo geystay.

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaynu nahay ummad islaam ah, waxaynu umadihii kale ee Caaalamka soo maray kaga fadli badan nahay waa xumaanta oo aynu iska reebno iyo wanaagga oo aynu is farno, markaas waxaa mar walba la inaga rabaa inaynu iska waanino wax kasta oo diinteenu aanay raali ka ahayn, ALLENA aanu inoo fasixin, dhiiga qofka muslim ahna ALLE uu inaga xarimay in is fudud lagu daadiyo, sidaas darteed dhawaan waxaa dhacday qisaas, qisaastana ALLE ayaa quraankiisa ku xukumay, waxaynu kale oo aynu ognahay in meelo kala duwan oo dalkeena ah dilal ka dhaceen, kolay wax kasta oo dhacaya ALLE ayaa qadaray, sidaas oo ay tahay haddana Xukuumaddu waa inay gacan adag wax kaga qabataa dhaqan xumada iyo dilalka foosha xun ee dalka ku soo badanaya, wax walbana ka hor tag bay leeyihiin, oo haddii aan Maanta waxba laga qaban dhaqan-xumada ay ka mid yihiin xashiishada, khamriga iyo dilalkan foosha xun, bari ka maalin wax caadiya ayay noqonayaan, oo markaas meel wax laga qabto lama joogo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Maanta fursad lagaga hor tagto xumaan kasta ayaynu haysanaa, ee ha laga hor tagto, si adagna Xukuumaddu wax ha uga qabato”.

Siyaasigani wuxuu baaq u diray Shacabka reer Somaliland “Maanta waa adduunyo, berina waa akhiro ee qof kastaba inuu akhiradiisa ilaashado ayaa laga rabaa oo uu ka dheeraado dunuubta iyo dhammaan dambiyada, waxaa lagaa rabaa qof kastaba inuu ALLE ka baqo, oo Cibaadooyinka uu ALLE inagu xukumay inaynu sidooda ugu dhaqano oo aynu la nimaadno”. Ayuu yidhi.

Geeska.net/Gabiley.Net