Aas Qaran Oo Maanta Magaalada Hargeisa Loogu Sameeyey Alle Haw Naxariistee Aqoonyahan C,raxmaan Xaaji Nuur.

Hargeisa(GNN):-Alle Haw Naxariistee Waxaa Maanta aas qaran loogu Sameeyey Xabaalaha Baqiic ee Caasimada Hargeisa,aqoonyahan C,raxmaan Xaaj Nuuc Ismaaciil Ducaale oo kamid ahaa foolaadka fara ku tiriska ah ee Somaliland, Marxuumka ayaa kamid ahaa dadka waayo araga ah ee inta badan ka shaqeyn jiray arrimaha bulshada, isagoo Wakhtigii halganka kamid ahaa raggii doorka laxaadka leh ka qaatay aas-aaskii ururkii xornimada jamhuuriyada somaliland salka u aha ee snm oo kamid ahaa raggii ka yagleel qurbaha, islamarkaana dhaqaalaha iyo midaynta shacabka jamhuuriyada somaliland ee ku noolaa dalka dibediisa kasoo qayb qaatay,

Marxuum C,raxmaan Xaaji Nuur Ayaa Sidoo kale Kamid ahaa Waayo arag dhinaca warbaahinta ah isagoo Sannado baddan mihnada warbaahinta kagaga soo shaqeeyey dalalka uu kamidka yahay Jarmalku.

Alle Haw Naxariistee Marxuumka oo Shalay galab Ku Geeriyooday Caasimada Hargeisa ayaa Maanta Si heer qaran loogu aasay.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.