Denmark Oo Xukun Adag ku Riday Lamaane Soomaali ah.

Maxkamad ku taal magaalada Lyngby, ayaa lasoo taagay lamaane Soomaali ah oo 54 jir iyo 55 jir ah waxaana loo heystaa inay labo ka mid ah carruurtooda u direen xero waxbarasho oo ku taala Soomaaliya halkaasoo Quraanka ku soo baranayeen.

Qoyskan oo caawin ka helaya wiilkooda oo dhinac ah iyo gabadha oo kasoo horjeeda ayay dacwada dhexmartay iyadoo cadeymaha lasoo bandhigay ay keentay in Waalidka lagu rido xukunkan.

Marka ay dhameystaan xabsiga halka sano ah, waxaa loo masaafurin doonaa Soomaaliya, sida uu sheegayo xukunka Maxkamada.

Kiiskan ayaa quseeya labada caruur ee lammaanaha u direen Somalia, gabar iyo wiil da’dooda lagu sheegay 15 iyo 17 sano jir safarkooda ayaana dhacay 12-kii July 2018 waxaana laga dejiyey Muqdisho.

toddobaad ka dib, gabadha saaxiibadeed oo Danmark ku nool ayay xiriir la sameysay iyadoo u sharaxday dhibka ku heysta Somalia, taasoo sababtay iney wargeliyaan Booliska, lana soo xiro labada Waalid ee dhalay caruurta dhaqan toosinta loo geeyey Xamar.