DHAGARAHA QORSHAYSAN EE KA DHANKA AH JIRITAANKA QARANNIMADA JSL. (Qaybta 2-aad): W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr).

Hargeisa(GNN):-Xoogagga isku baahaystay Dhagaraha Qorshaysan ee ka dhanka ah Qarannimada iyo Jiritaanka Somaliland, ujeedada ugu muhiimsan ee ay leeyihiin waxa weeyi in ummadda Somaliland laga niyad jabiyo ku adkaanshaha Qadiyadda Gooni-isu-taaga Somaliland iyo ku Qanacsanaanta ay Shacabku ku qanacsan yihiin Qarannimadooda iyo xaqa aaya-ka-tashiga in ay Somaliland noqoto dal xor ah oo ka madaxbanaan Soomaaliya.

Xeeladaha iyo Qorshayaasha Dhagaraysan ee lagula dagaalamayo Qarannimada Somaliland oo ay horseed ka yihiin Dawlado iyo Xoogag ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland waxa ugu muhiimsan saddexda arrimood ee soo socda:

  1. BERNAAMIJKA DHALAN-ROGGA DHALLINYARADA SOMALILAND:

Bernaamijkani waa mid halistiisa leh, wuxuuna horseed ka yahay hagardaamooyinka qorshaysan ee loogu talagalay furfurka iyo faragelinta arrimaha gudaha Somaliland. Bernaamijkani wuxuu si toos ah ugu wajahan yahay sidii loo wiiqi lahaa wadajirka iyo isku duubnida bulshada Jam. Somaliland. Bernaamijkani waxa kale oo uu ku jihaysan yahay sidii saamayn weyn loogu yeelan lahaa dareenka iyo qaabka fikirka ay dhallinyarada reer Somaliland ka qabaan Qadiyadda Gooni-Isu-Taaga Somaliland. Waa bernaamij si qoto dheer oo qorshaysan xooga u saaraya sidii dhallinyarada Somaliland looga masaxi lahaa fikirka Somaliland-nimada

iyo Taariikhda Halganka ay leeyihiin ummadda Somaliland, sidoo kalena lagu abuuri lahaa fikir iyo dareen ah Soomaali-weynimo.

Barnaamijkan waxa dabada ka riixaya oo si hagar la’aan ah u maalgeliya Dawlado shisheeye oo awood iyo dhaqaaleba leh oo iyagu dano gaar ah ka leh in Somaliland iyo Soomaaliya ay mar kale dib u midoobaan.

Bernaamijka Dhalan-rogga Dhallinyarada Somaliland wuxuu si qorshaysan u bar-tilmaansanayaa qaybo badan oo ka mid ah dhallinyarada iyo da’yarta reer Somaliland. Nuxurka qorshahani waxa weeyi in Dhallinyarada Somaliland Xamar looga gacan haadiyo, dabadeed la soo dhaweeyo, mudnaan iyo ahmiyad gaar ahna iyaga la siiyo, halkaana laga siiyo shaqooyin iyo xilal, isla markaana laga dhaadhiciyo in halkaniba (Xamar-Soomaaliya) ay tahay dalkoodii hooyo!! Ujeedada arrintan ka dambaysaa waxa weeyi in dhallinyarada reer Somaliland ee Xamar looga yeedhay la dhalan-rogo, laguna abuuro Dareen Midnimo Soomaaliyeed iyo in aanay Soomaalidu kala maarmi karin!! Si dabadeed dareenkaa Soomaali-weynimada ah ee la geliyey dhallinyarada reer Somaliland ay ugu sii gudbiyaan uguna abuuraan ehelkooda iyo asxaabtooda weli ku sugan gudaha Somaliland.

Bernaamijka dhalan-rogga Dhallinyarada Somaliland waa mashruuc si weyn loo qorsheeyey waana tabaha iyo xeeladaha cusub ee lagula dagaalamayo wadajirka bulshada iyo jiritaanka Somaliland, waana arrin halis ku ah Qadiyadda iyo Qarannimada Jam. Somaliland.

(La soco Qaybta 3-aad)

  1. LA DAGAALLANKA GEEDI-SOCODKA

AQOONSI-RAADISKA SOMALILAND:

  1. CARQALADAYNTA IYO LA-DAGAALLANKA XIDHIIDHADA CAALAMIGA AH IYO QORSHAYAASHA HORUMARINEED EE AY

SOMALILAND LA LEEDAHAY DUNIDA: