Dowladda Somaliya Oo ku Hanjabtay inay ka Baxeyso Urur IGAD.

Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa Arbacadii shalay sheegay in warbixinta ay soo saareen guddiga aheyd mid eex iyo cadaalad darrro ah, waxaana uu sheegay Wasiirka in Dowladda Soomaaliya ka fiirsaneyso ka sii mid ahaanshaha IGAD.

Dowladda Soomaaliya ayaa Jabuuti ku eedeysay in ay la safatay dowladda Kenya madaama Jabuuti ay garwadeen ka aheyd guddigan xaqiiqo raadinta ah ee loo diray in ay soo ogaadaan waxa ka jira eedeymaha loo jeediyay dowladda Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in warbixinta guddiga oo idil aheyd mid laga soo xigtay oo kaliya dowladda Kenya.

Wali wax war ah sooma aysan saarin Guddiga oo la xiriira doodda dhinaca dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah warbixinta ay soo saareen.