Hargeysa International Hospital oo Been Abuur Ku Tilmaamay Warar Maalmihii ugu Danbeeyey Laga Faafiyey.

Hargeisa(GNN):-Cusbitaaalka ugu Weyn dhinaca tayada iyo qalabka ee ay ka hawlgalaan dhakhaatiirta cadaanka ee Hargeysa International Hospital ayaa maanta kulan warbaahineed ay ku qabteen magaalada hargeisa waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen warar aan sal iyo raadtoona lahayn oo ay bulshada qaar si khaldan uga faafisay.

Cabbaas C,raxmaan Oo Ku Hadlay Maamulka Sare Cusbitaalka Hargeisa International ayaa Ku Tilmaamay inaaney waxaasi ahayn wax dhici kara islamarkaana aanu maydku ooli karin wax kabadan laba saacadood dhakhtarka haddiiba ay dhacdo.

Sidoo kalw waxaa uu meesha ka saaray wararka been abuurka ee sida khaldan dadka qaar ay uga faafiyeen.

Waxaanu Tilmaamay in Ka Cusbitaal ahaan ay Muhiimadooda koowaad tahay Daryeelka dadka bukaanka ah iyo sidii loola socon lahaa sida ugu muhiimsan umada loo shaqeynayo.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.

 

Cusbitaalkan Hargeisa International ayaa ka Mida inta la ogyahay Caasimada Kuwa bixiya adeegyada ugu wanaagsan ee dhinaca Caafimaadka Bulshada.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network