Jaaliyada Dalka Jabuuti ee Ku Nool Gobolada Barriga Somaliland oo Munaasibad Balaadhan Oo Ay Ku Taageerayaan Musharaxnimada Madaxweyne Geele 2021 Ku Qabtay Sool.

Sool(GNN):-Shacabka ku dhaqan gobolada barriga somaliland gaar ahaan deegaanada  Sool Sanaag iyo Buuhoodle ayaa Xaflad balaadhan  oo si heersare ah loo soo agaasimay ku qabtay Xarunta gobolka sool magaalada Laascaanood,waxaa Madashan boqrani ahayd mid si weyn loogu taageerayey Musharaxnimada Madaxweynaha Dalka jabouti mudane Ismaaciil Cumar Geele oo u sharaxan doorashada 2021 ee Xisbiga RPP.

Munaasibadaasi Waxaa kasoo qayb galay aqoonyahan, waxgarad, waayeelka iyo haweenka ku dhaqan deegaanadaasi, waxaaney soo bandhigeen taageerada ay ku muujinayaan Musharaxnimada Hogaamiye Madaxweyne Ismaaciiil Cumar Geele inuu markale horseed u noqodo Xisbiga talada dalkaasi haya ee RPP oo wakhtigan uu yahay Musharaxa u taagan doorashada dalkaasi lagu waddo inay ka qabsoonto.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.