Jeo Biden Oo Xayiraad Socdaal Ku Soo Rogay Soddon Dal

Amraka madaxwynaha ayaa dhaqan gali doona maalinta salaasada isaga oo ka mamnuucaaya dalkaas in ay galaan dad soo maray soddon dal, labbadii toddobaad ee u danbeeyey.

Xayiraado noocan ah oo uu Maraykanku horay u soo rogay ayaa maalmihii ugu dambeeyay ee uu madaxweynaha ahaa, Donald Trump wuxuu amar ku bixiyay in la khafiifiyo xayiraadaha socdaalka.

Amarka cusub ayaa soo baxay kadib markii la tashi lala sameeyey masuuliyiinta iyo hay’adaha Maraykanka u qaabilsan fiditaanka xanuunada.

Xayiraadan ayaa looga gol’leeyahay in lagu yareeyo in dalkaasi uu gaadho xanuunka cusub ee Covid-19 ee dhalanrogmay, balse warar ayaa sheegay in laga diiwaan galiyey Maraykanka kiisakii u horeeyey ee xanuunkan.