Midowga Musharaxiinta Madaxweyne Ee Soomaaliya Oo Ka Digay Heshiis Shidaal Baadhis Oo Dowladdu La Galayso Shirkaddo Ajnabi Ah.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Cali Iid Cumar Maxamed, oo ku geeriyooday Imaaraadka Carabta.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Macalin waayo arag ah oo ka baxay dalka iyo dadkaba, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.