Shirkada YouTube oo xidhay akoonkii Donald Trump.

Washinton(GNN):-YouTube ayaa noqday bartii ugu dambeysay ee arrimaha bulshada ee xayiraad saarta akoonka Madaxweyne Trump.

Bartan oo uu leeyahay Google ayaa madaxweynaha ka joojisay inuu muuqaallo cusub soo dhigo bartiisa amaba uu muuqaal toos ah ka soo galo ugu yaraan muddo toddoba maalmood ah, waxayna sheegtay in laga yaabo inay muddada sii kordhiso.

Shirkadda ayaa sheegtay in kanaalka uu jebiyay shuruucdeeda ku aaddan kicinta rabshadaha.

Madaxweynaha ayaa dhowr muuqaal soo dhigay shalay, iyadoo qaarkood ay weli ku jiraan bartaas.

Google wax faahfaahin ah kama uusan bixin waxa uu Mr Trump ku yiri muuqaalka uu mamnuucay.

Tallaabadan ayaa imaaneysa saacado kaddib markii kooxaha xuquuqda rayidka u dooda ay ku hanjabeen inay soo abaabuli doonaan in la joojiyo xayeysiimaha saaran YouTube.

YouTube channel
Kanaalka Trump ee YouTube-ka weli wuu shaqeynayaa laakiin muuqaallo cusub ma soo dhigi karo

Jim Steyer – oo sanadkii hore qeyb qaatay abaabulka tallaabo noocaas oo kale ah oo ka dhan ahayd Facebook – ayaa ugu baaqay Google inuu qaado tallaabo dheeraad ah uuna gebi ahaanba xiro kanaalka madaxweynaha.

“Waxaan rajeyneynaa inay ka dhigaan mid abid ah. Waa niyad jab in weerar uu Trump kiciyay uu heerkaas gaaro, balse waxay u muuqataa in baraha bulshada ee waaweyn ay ugu dambeyn tallaabo qaadayaan,” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray.

Google ayaa sheegay in laga yaabo in Mr Trump uu sababsado in gebi ahaanba kanaalka laga xiro haddii uu jebiyo saddexda siyaasadood ee u degsan.

“Kaddib markii dib u eegis lagu sameeyay, ayna soo baxday walaaca laga qabo rabshada, waxaan tirnay muuqaal cusub oo la soo dhigay kanaalka Donald J Trump sababo la xiriira inuu meel uga dhacay siyaasaddeenna,” ayaa lgu yiri warsaxaafadeedka.

“Iyadoo uu jiro walaaca laga qabo rabshadda, waxaan sidoo kale xiri doonnaa faallooyinka laga dhiibto kanaalka Madaxweyne Trump, sida aan ku sameynay kanaallada kale ee arrin la xiriirta badqabka lagu arko qeybta faallooyinka.”

Mr Trump waxaa hore akoonnada uga xiray baraha Facebook iyo Instagram kaddib weerarkii lagu qaaday Capitol Hill, ilaa laga gaaro xil ku wareejinta Joe Biden 20-ka January.

Twitter ayaa tallaabo dheeri ah qaaday isagoo gebi ahaanba xiray akoonkii Trump.

Barta Twitch ee Amazon ayaa sidoo kale ka xirtay akoonkii bartaas uu ku lahaa. Sidoo kalena Snapchat ayaa cinwaanka ka xiray.

Shirkadaha Shopify, Pinterest, TikTok iyo Reddit ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin ay ku xannibayaan waxyaabaha la xiriira madaxweynaha iyo baaqyada ah in laga hor yimaado natiijada doorashadii Mareykanka.