War Deg-Dega-Hal Askari Oo Ku Dhaawacmay Bombo Gacmeed Caawa Fiidkii Lagu Tuuray Mid Kamida Goobaha Diwaangalinta Gobolka Sool.

Hargeisa(GNN):-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in caawa fiidkii dad aan la garaneynin kusoo tuureen bombo gacmeed mid kamida goobaha diwaangalinta ee xarunta gobolka sool magaalada laascaanood.

ma jirto ilaa hadda war rasmiya oo kasoo baxay dhinaca laamaha amaanka gobolka sool, mana jirto sida ay noo xaqiijiyeen saxafiyiin ku sugan magaalada laascaanood cid loo xidhay oo loo qabtay bombadan lagu tuuray goobta diwaangalinta.

La Soco Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha Warkan.