Dagaal u dhexeeyay Shabaab iyo ciidamada Puntland oo ka dhacay Boosaaso

Waxaa duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, oo ka tirsan maamulka Puntland ka dhacay dagaal hubka culus la isu adeegsaday oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-Shabaab, sida ay saraakiil u sheegeen BBC-da.

Dagaalkan ayaa daba socday weerar ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Al Shabaab waxay sheegtay in 400 maxaabiis oo ku xirnaa xabsiga ay sii daayeen.

Dowladda ma aysan xaqiijin tirada maxaabiista ka baxsatay halkaas balse la qabtay qaar kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday.

Booliska waxay sheegeen inay baarayaan waxa ka dhacaay xabsiga.