Dhaawacyada Ardaydii Dugsiga Dabku Qabsaday OO Lagu Dabiibayo Cusbitaalka Weyn, Madaxweynaha Ku Xigeenka Qaranka oo Booqday+Maamulihii Dugsiga oo La Xidhay.

Hargeisa(GNN):-48 qof ayaa ku dhaawacmay Dab weyn oo ka kacay machadka culuumta diinta , ciidanka Dab-demiska ayaa si degdega uga hawlgalay waxaanay samatabixiyeen dhammaan dadkii, iyadoo la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

Dhaawaca ayaa kala ahaa 40 dumara iyo 8 raga, waxaa sidoo kale dhaawacmay askari ciidanka Dab-demiska ka tiirsan, kaasi oo samatabixinayay dadkaas.
Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, duqa caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa ka hadlay dhacdadan, waxaanay guud ahaan wacyigelin ujeediyeen bulshadu inay dhismayaasha u sameeyaan meelo laga baxo hadii dab ka dhaco, waxaanay bogaadiyeen shaqada ciidanka Dab-demiska Somaliland u hayo bulshada.
Machadkan ayaa waxaa dhiganayay boqolaal arday gaadhayayna 250 arday, kuwaasi oo ku baranayay culuumta diinta,
Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland C,raxmaan Ismaaciil Saylici iyo Saraakiil kale oo ka socota xukuumada ayaa Booqday dhaawaca ardaydan caawa dabku qabsaday goobtii waxbarasho ee ay dhiganayeen.
Sidoo kale warar aanu helayno ayaa noo xaqiijiyey in Ciidamada Booliska Somaliland xidheen maamulihii dugisga Al Dacwa iyo Waardiyihii dugsiga, sababo