Faahfaahin ku saabsan qaraxii xaley ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay halka ugu yaraan 30 qofna ay ku dhaawacmeen qarax xaley ka dhacay makhaayadda Luul Yemeni oo ku taalla meel u dhaw dekadda Muqdisho.

“Khasaaraha meesha ka dhacay waa ilaa 10 qof oo dhimasho ah iyo soddomeeyo dhaawac ah sida aan tirada ku heyno” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali.

Waxaa saaka deggan xaaladda goobtii uu xaley qaraxa ka dhacay.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo qaaday cibsitaallada magaalada Muqdisho.

Al shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas isla markaana uu bartilmaameedku ahaa xubno ka tirsan dowladda oo ku sugnaa makhaayadda.