Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Category Archives: Articles

Deg Deg Daawo :-Gudoomiyaha Degmada Wajaale Oo Beeniyay Facebook Been Abuura Oo Lagu Sameystay Magaciisa

Wajaale(GNN)Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Wajaale Ee Gobolka Gabiley Mursal Nuux Cismaan Oo Maanta Xafiiskiisa Kula Hadlay Sahantv, Ayaa Gaashaanka Udaruuray  Facebook Been Abuura Oo Lagu Qortay Magaciisa.Gudoomiye Mursal Nuux Cismaan Ayaa Facebookaasi Ku Sheegay Mid Laga Been Abuurtay Oo Aanu isagu Ciwaankaasi Isticmaalin.Wuxu Sido Kale  Tilmaamay In Uu Kiiskaasi Ugudbiyay Maxkamada Iyo Xeer Ilaalinta Oo…

Read more

Q/Midoobay Oo Taageertay Hadal ka soo Yeeray Kooxda Xuutiyiinta Yemen,

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeysey qorshe nabadeed oo ay soo bandhigeen kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageerto, kaasoo ah inay joojinayaan weerarrada ay ku hayaan Sucuudiga. Qoraal Xuuthiyiintu baahiyeen ayaa lagu sheegay in ujeedada soo jeedintoodu tahay fursad nabadeed oo horseedi karta in dagaalka la soo af-jaro. Ergeyga Q/Midoobey ee u xilsaaran dalka Yemen Martin…

Read more

Mudaharaado habeenkii labaad ka dhacay magaalada Suways ee dalka Masar.

Wararka ka imanaya dalka Masar ayaa sheegaya in habeenkii labaad ay mudaharaaddo lagaga soo horjeedo Madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi ka dhaceen magaalada Suways. Wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo xigatay dad magaaladaa degan oo sheegay in habeenkii Axaddu soo gelaysay ay isku dhaceen booliska iyo boqolaal qof oo mudaharaadayey. Waxaanay AFP sheegtay in dadka bannaan baxayey…

Read more

Itoobiya: Waxaan qabannay rag weerarro argagixiso ka fulin rabay waddankeenna

Dowladda itoobiya ayaa shaacisay shaqsiyaad ay sheegtay iney ka tirsan yihiin Alshabaab iyo Daacish oo ay laamaha ammaanka dalkaasi soo qabteen. Warbixin dadkaasi la qabtay ku saabsan oo laga sii daayey warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Xubnahaasi ay damacsanaayeen iney falal argagaxiso ka fuliyaan gudaha dalkaasi. Xubnahan ayaa la sheegay in laga soo…

Read more

Gaalkacyo:- Dab Burburiywy Warshad Soo Saarta Joodariyadda

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in xalay dab xoogg leh uu ka kacay goob ganacsi oo ku taala Koofurta magaalada, iyadoo saqdii dhexe ee xalay lagu guuleystay daminta dabkaasi. Dabka ayaa sida aan wararka ku haleyno ka dhashay warshad soo saarta Joodariyaasha ama isbuunyada oo ku taalla Koonfurta magaalada…

Read more

Nin dhintay isagoo gacalisadiisa si cajiib ah guur uga dalbanaya biyaha hoostooda

Nin u dhashay dalka Mareykanka ayaa biyo ku geeriyooday xilli uu gacalisadiisa guur ka dalbanayay isagoo biyaha hoostooda ku jira, waxaana markaas ay lamaanahan damaashaadka fasaxa u joogeen dalka Tanzania. Steven Weber iyo saaxiibaddiis Kenesha Antoine ayaa marka ay musiibadan dhaceysay waxay ku sugnaayeen dhisme biyaha dhexdeedo laga sameeyay oo ku yaalla xarunta dalxiiska ee…

Read more

Salaadiinta Bariga Burco Oo Dib U Dhigtay Shirkii Beelaha Garxajis

Madaxda dhaqanka ee beelaha bariga Burco ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay shirkii la qoondeeyay inuu u furmo beelaha Habar jeclo iyo Garxajis. Salaadiintan ayaan mudayn wakhti cusub oo uu shirku furmi doono waxase ay sheegeen inaanu shirkaas baaqan. Suldaan Maxamuud Guuleed oo ugu horayn shirkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa jiray shir loo…

Read more

Facebook oo hakiyey tobannaan kun oo App

Shirkadda Facebook ayaa shaaca ka qaadday iney hakisay tobannaan kun oo App. Wixi ka dambeeyey fadeexaddi Facebook ee la xidhiidhay baaritaanki Cambridge Analytica iney go’aankaasi qaadatay. Wixi ka dambeeyey marki Facebook dhaleeceyn loo soo jeediyey 2018-kii inuu Cambridge Analytica ay xogta dadka Facebook isticmaasho oo ay khiyaameysay, waxaana shirkadda dhinacya badan uga imanayey cadaadis xooggan.…

Read more

Tirada Rayidka ku Dhimatay Duqaymaha Maryakanka Ee Somaliya Oo la Shaaciyay.

Sagaal Bil oo ka tirsan Sanadkaan dhamaadka ah ee 2019 ayaa tiro ahaan ka badan duqeymaha Mareykanka uu ka geystay Soomaaliya sanadkii 2018 sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International. Duqeymaha Mareykanka uu ka fulinayo Soomaaliya ayaa cirka isku shareeray tan iyo sanadkii 2016 markaas oo Soomaaliya laga fuliyey…

Read more