DAAWO Sawirada:Madaxweynaha Somaliya oo Maanta Gaadhey Garoowe.

Garoowe(GNN)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Garawe ee Xarunta Maamulka Puntiland, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Masuuliyiinta iyo Shacabka Puntiland.

Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa markii ay ka dageen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garawe waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntiland iyo Kuxigeenkiisa, Wasiiro iyo masuuliyiin kale katirsan Puntiland , waxaa sidoo kale soo dhaweynta Madaxweynaha ka qeyb qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Garawe.

she_1

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdiga la socday ayaa loo galbiyay Madaxtooyada Maamulka Puntilnad, waxaana halkaasi si wadjir ah warbaahinta ula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamuka Puntiland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad uga mahadceliyey sida loogu soo dhaweeyey Garoowe wuxuu madaxweynahu ka hadlay safarkiisa isagoo tilmaamay in uu furayo shirka wadatashida madaxda maamulada iyo federaalka, Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxda Puntland uu la qaadan doono kulamo looga hadlayo danta guud ee dalka oo uu xusay in sanadka 2016ka la doonayo in doorasho xor ah ka dhacdo Puntland ay doorkeeda ug qaadan lahayd.

she_2

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay maraakiib loogu talo galay in lagu soo daabulo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yeman oo hadda ay dagaalo ka socdaan, waxa uuna Puntiland uga mahad celiyay sida ay usoo dhaweeyeen Qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxaa la filayaa in Magaalada Garawe uu ka furmo shir wadatashi ah ay yeelan doonaan Madxaweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka kajira.

she_3she_4she_5she_6she_7she_8she_9she_10she_11she_12