DAAWO:Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo dalka ku soo laabtay

Hargeysa (Gabiley.net) Waxa maanta dalka ku soo laabtay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo dalka dibada kaga maqnaa.

Guddoomiyaha ayaa mar uu warbaahinta la hadlayay wax laga weydiiyey warqad dhawaan la sheegayay inuu dawladda Finland u qoray iyo kulan la sheegay inuu Madaxweynaha Somaliya kula kulmay dalka Turkiga.

Guddoomiyuhu wuxuu ku jawaabay labada arrimoodba wax ka jiraa ma jiraan, wuxuuna raaciyey inuu wakhtigii doorashadu dhow yahay markaana la ceebaynayo.

Guddoomiyaha waxa soo dhoweeyey masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo waliba taageerayaan Xisbiga Wadani ah.

Gabiley News Network