DAAWO:Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo Dalka Dibu Ugu Soo Laabtay Xili Khilaaf Ka Taaganyahay Mudo kordhin loo sameeyo Xukuumada.
Hargeysa(GNN)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan Ayaa Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Hadlay Xalada Siyaasadeed Ee Uu Dalku Maraayo Waxaana Uu Gudoomiyuhu Si Gaar Ah Uga Hadlay Warqada U Madxweynuhu U Soo Gudbiyey Golaha Guurtida Ee Uu Kaga Codsanaayo Muddo Kordhinta Isaga Oo Sheegay In Golaha Guurtidu Ay Sameyn Doonana Muddo Kordhin Isla Markaana Aanu Dalku Ku Sugnan Doonin Dawlad La,aan Waxana Uu Yidhi “Horana Waa Loo Kordhin Jiray Maantana Gudidii Doorashooyinku Waxay Yidhadeen Wakhtigeedii Kuma Qaban Karno Dee Markaas Waa La Kordhin Ileen Dawlad La,aan Jiri Mayso Waa La Kordhin Doonaa Sidii Sharcigu Ahaa Lakiin Maanta Idima Odhan Kari Mayno Mudadaas Baanu Kordhinaynaa.
Marxalada Dalku Maraayo Ee Aad Ii Buun Buuninaysaan Anigu Idinlama Arko Dalku Wax Dhibaato Ah Oo Uu Qabaa Ma Jirto Rag Baa Qaylinaaya Guurtidana Hadii Ay Warqadii Gaadhay Go,aan May Gaadhin Cidna Lamay Tashan Insha Allah Wanaag Bay Noqon Doontaa”Ayuu Yidhi Gudoomiye Saleeban
Sidoo Kale Waxaa Uu Gudoomiyuhu Baaq Nabadeed U Diaray Beelaha Dirirtu Ku Dhex Martay Magaalada Taleex Ee Xarunta Gobalka Xaysimo Waxaana Uu Yidhi “ Qoladaas Waxaan Ahay Gudoomiyahoodii Golaha Guurtida Waxaanan Ugu Baaqayaa Qoladaas Dagalaamaya Ee Isla Rerihii Ah In Ilahay Waajiyo Wanaaga Nabad Deg Deg Ahna Helaan “ Ayuu Yidhi Gudoomiye Saleeban.