Gudoomiyaha magaalada Mandhera Alex Nkoyo, ayaa xaqiijiyay in macalimiintaasi la afduubtay, isaga oo ka gaabsaday inuu sheego magacyada labada iskuul ay ka shaqeynayeen macalimiinta.
“waan baadheynaa falkaasi dhacay kaasi oo gelinkii dambe shalay dhacay, labada macalin ma aanay aheyn kuwo deegaanka u dhashay”ayuu yidhi gudoomiyaha Mandhera isaga oo aan faahfaahin kale bixin.
Kooxda laga shakisan yahay ayuu sheegay in macalimiinta ka kaxeysteen guryahooda ayna xidheen ka hor intii aanay lasoo galin dalka Soomaaliya, sida gudoomiyaha Mandheera uu sheegay.
Falkan wuxuu kusoo aaday saacado kadib markii Alshabaab ay afduubteen ayna dileen masuul Kenyan ah, kadib markii la siin waayay 4 Million oo lacagta kenya ah oo madax furasho ahaan ay u doonayeen.
Waxaana meydka ruuxaasi laga helay duleedka degmada Baardheere kaasi oo khamiistii lasoo dhaafay ay Alshabaab kasoo afduubteen dalka kenya.