DAAWO Muuqaal: Qodobada Heshiiska sadexda xisbi qaran oo dhan+ DAAWO sawiro.

Waxa caawa Qasriga Madaxtooyada JSL lagu saxeexay heshiiska ay gaadheen xisbiyada mucaaridka iyo xisbiga kulmiye waxana heshiiska goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo isagu dhexdhexaadinayay wada hadalka.
Heshiiska oo Afar qodob ka kooban waxa uu u dhignaa sidan.
1. Waxaanu Ixtiraameynaa Go,Aankii Golaha Guurtida Ee Kordhinta Muddo Xileedka Madaxweynaha Ku Xigeenkii Iyo Golaha Wakiilada Somaliland
2. In Doorashaada Madaxweynaha Iyo Golaha Wakiiladu Ay Qabsoomaaan Bisha 12 Ee Sanadka 2016
3. Waxaa Ay Saddexada Xisbi Qaran Ucid, Wadani Iyo Kulmiye Ku Talinayaan In Dooroshooyinku Qabsooman Bisha 12 Ee Sanadka 2016 Iyada Oo Kominshanka Doorashoyinku Uu Soo Jeedin Doonan Maalinta Ay Qabsoomeyso
4. Maadama Oo Saddexada Xisbi Qaran Ay Ku Hishiiyen Wakhtiga Doorashooyinka Waa In Kominshanka Doorashooyinku Soo Jeediyaan Maalinta Ay Qabsoomeyso Doorashooyinku Isla Markaana Waxaa Aanu Soo Jeedineynaa In Madaxweynuhu Digeertu Ku ansixiyo Maalinta Doorashooyinka .
.