DAAWO Sawirrada:Ardayda Reer Somaliland Ee Wax Ka Barata Dalka Turkiga Oo Si Weyn U Xusay Maalinta Qaran Ee 18-ka May.

Ankara(GNN)-Munaasibad lagu xusayay Sanad guuradii 24aad ee kasoo wareegtay gooni isku taaga Jamhuuriyada Somaliland ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

961618_1600960980151609_1029487264_n

Madasha xafladan oo ahayd mid si heer sare ah la iskugu soo dubo riday ayaa waxa kasoo qayb galay Jaaliyada iyo Ardayda Somaliland ee wadankaas ku dhaqan, Ururka midawga ardayda qaarada Africa iyo xubno ka socday Jaaliyadaha dalalka Jaarka sida: Somalia iyo Jabuuti.10937596_1600945906819783_219502754_n

Ugu horayn waxa xafladaas ka hadlay Gudoomiyaha Ardayda Somaliland ee wax ka barata dalka Turkiga, ahna Gudoomiyaha gudida qaban qaabada Xuska 18-ka MAY, Abdicasiis sh. mohamed , isagoo Hambalyo u diray Dhamaan shacbi weynaha Somaliland Meel kasta oo ay ku suganyihiin Ilaahayna uga baryay inuu u siyaadiyo nabada iyo xasiloonida.

11118154_1600961090151598_1730886742_n

Waxa isna sidoo kale madasha kU hadlay Afka jaaliyada iyo afka waalidnimo Md: Abdilahi mohamed Suleman ( abdilahi warabe ) oo si weyn ugu mahadnaqay jaaliyadu sida wadaniyada leh ee ay uga qayb qaateen xuska 18 May.

11251473_1600945866819787_810861350_n

Munaasibada Xuska 18 May ayaa noqonaysa tii ugu balaadhnayd abid ee ka qabsoonta wadanka Turkiga, waxaana intii ay xafladaasi socotay madasha lagu soo bandhigay ciyaaro kala duwan sida : Ciyaarta Sayliciga , Hirwada, Dhaantada I.W.M Kuwaasoo idil ahaantoodba soo jiitay Indhaha kasoo qayb galayaasha.

11251563_1600961020151605_319505656_n

 

Gabagabadii munaasibadan waxa soo afmeertay Marwo Farduus Cige Xasan oo ah Jaaliyada ku dhaqan UK kana socotay Xisbiga UCID ahna afhayen ku xigeenka xisbiga ucid Iyada oo si qoto dheer uga warantay Halgankii dheeraa ee Somaliland loo soo maray iyo sida ay ku timid maalintani, waxaanay xustay inay halkaa kasii wadi doonaan dedaalka ilaa inta ay ka helayaan Ictiraaf buuxa Bulshada Caalamka.

 

 

ugu danbayntii xaflada waxaa abaalmarimo qiimo badan lagu gudoonsiiyay Dadkii sanadkaa ugu saamaynta badnaa ugu waxqabadka badnaa haday tahay qaban qaabada iyo qabsoomida xuska 18 may iyo waxqabnadkii sanadkaas oo dhan .

11251615_1600960993484941_229492784_n

 

gabagabdii Xafladan ayaa kusoo dhamaatay jawi qurux badan oo farxadi ku dheehantahay iyadoo dhamaan kasoo qayb galaasha xafladu midba midka kale ugu hamlayaynayay maalintan qaaligaa.

 

 

11258599_1600961043484936_1851640195_n11258694_1600945806819793_2054277957_n11267422_1600961013484939_1540152547_n11268109_1600961110151596_687019382_n11272160_1600945890153118_755278061_n11273698_1600960960151611_393731048_n11282115_1600945870153120_1342771306_n11287133_1600945900153117_1494964738_n11287205_1600945770153130_204650139_n (1)11287205_1600945770153130_204650139_n11287328_1600961006818273_1614955505_n11289820_1600963083484732_1664904098_n11291839_1600945776819796_1905318068_n11292641_1600945843486456_636756737_n11297667_1600961030151604_1160304099_n11301341_1600945933486447_1033615152_n11304242_1600945810153126_2085199535_n11311013_1600961080151599_1252158318_n11328803_1600961056818268_267113623_n11328811_1600961140151593_2071117423_n11328824_1600960956818278_1175601632_n11328943_1600960996818274_922824322_n11329676_1600961070151600_2068182425_n11329691_1600945910153116_282748974_n11348748_1600960973484943_999120158_n11348910_1600945876819786_1557450451_n11349886_1600945990153108_1946413033_n11349964_1600960963484944_907856140_n11349977_1600945946819779_1837622803_n11350094_1600961153484925_327526052_n11350102_1600945790153128_170351989_n11350360_1600945936819780_1750557209_n11350384_1600945856819788_372011214_n11351528_1600945796819794_1387663968_n11352526_1600961083484932_94837123_n