DAAWO:Badhasaabka gobolka Awdal oo maanta wareegto ka soo saaray wadashada gaadiidka dawlada wixii ka dambeeyay 2da duhurnimo.

Boorama(GNN)Badhasaabka gobolka Awdal Md. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa maanta ku wargaliyay gabi ahaanba masuuliyiinta isticmaasha gaadiidka dawalada in loo hogaansamo amarka ah in dhamaan baabuurta ay dawladu leedahay la mamnuucay inay socdaan waxa ka dambeeyay 2da duhurnimo, hadii aanay wax shaqo ah haynin.


Badhasaab Ramaax isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Muhiimadu waa in aan ilaalino hantida qaranka, isla markaana dareeno in uu waajib naga saaran yahay, waxana aan qiraynaa in ay suura gal tahay in baabuur  dawladeed uu hawo hawl qaran waqti ka baxsan kan aan cayinay, waxase loo baahan yahay in anaka ka maamul ahaan la na soo wargaliyo, si aan uga war hayno”

Amarkan ayaa Badhasaabku waxa uu sheegay inay tahay Wareegto heer qaran ah, waxana isaga oo la hadlaya isuduwayaasha laamaha Dawlada uu yidhi “Waxa muhiim ah ilaalinta amniga, waxa aan go’aan ka soo saarnay wadashada gaadiidka dawlada, waxana aan ku amrayaa dhamaanba madaxda dawlada ee isticmaasha gaadiidka dawlada in saacadu marka ay tahay 2da duhurnimo waxa ka dambeeyay aanan la arki karin gaadiid dawladeed oo suuqa la wato, waxana la amrayaa in baabuurta dawlada lagu xereeyo xerada ciidanka birmadka ee Boorama”


Hadalkan Badhasaab Ramaax ayaa waxa uu ku soo beegmayaa, waqti dhawaan ay kooxaha nabadiidka ahi la tageen gaadhi ay lahayd W/Maaliyadu, isla markaana aanan ilaa maanta wax war iyo wacaal ah laga hayn.

Sidaas oo uu xaal yahay ayaan la ogayn in masuuliyiinta dawlada ee caadaystay in Baabuurta hantida qaranka ah inay ugu adeegaan qoysaskooda inay u hogaansami doonaan amarkan ah ilaalinta hantida qaranka iyo in kale.

logadagnn