DAAWO:Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Masjid Ku Yaala Dalka Sacuudiga + SAWIRRO.

Riyaad(GNN)-Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay weerar is qarxin ah oo maanta lagu qaaday masaajid shiicada ku dukadana oo ku yaala bariga Sacuudiga.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay illaa 70 qof , oo qaarkood dhaawacooda uu culus yahay.

 

 

 

Isbitaalka Qatif ayaa la sheegay in looga baahday dhiig deg deg ah, si loogu shubo dadka dhaawacyada daran soo gaaray ee aadka u dhiig baxay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in masaajidka Imam Ali oo ku taala Tuulada Al-qadeeh oo ka tirsan Gobolka Qatif uu ruux ku xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay salaadii jimcaha ee maanta.

 

shia (1)

 

Waa weerarkii u horeeyay ee ka dhaca Sacuudiga, xilli ay sii kordheysa xiisada ka taagan Gobolka ee u dhaxeeya Sunniyiinya iyo Shiicada, tan iyo markii Sacuudiga uu bilaabay weerarka cirka ah ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay weerarkan, waxaana Telefishinada ay soo gudbinayeen muuqaalada masaajidka oo aad ugu waxyeeloobay qaraxa, gaar ahaan muraayadaha masaajidka iyo tiirarka dhismaha masaajidka.

 

 

shia (2)

 

 

 

logadagnn