DAAWO:Xuska Maalinta Xanuunka IFistulaha(Isku-furanka) Oo Maanta Laga Xusay Magaalada Boorama + SAWIRO.

Boorama(GNN)-Xuska Maalinata Caalamiga Ah Ee loo asteeyay Iskufuranka dumarka xiliga dhalmada ee afka qalaad lagu yidhaahdo (FISTULA) ayaa maanta lagu qabtay Hotel Rays Ee Magaalada Boorama,waxaana munaasabadaaas balaadhan oo sannadwalba xiligan oo kale la xuso ayaa waxaa soo agaasima dhakhtarka weyn ee Fistulaha Boorama.

Munaasabadan xuska ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Somaliland ,Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Gobolka Awdal,Dhaakhaatiir,Haween,Mas’uuliyiinta Dhakhtarka Weyn Ee Fistula Boorama Iyo Marti sharaf kale oo ka socotay Hay’ado Caalami ah oo ka taageero dhinaca Dawooyinka dadka laga dawaynayo Xanuunkan.

1 fistula (1)

 

Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Dhakhtar Mu’min waxa uuna ka warbixiyay taariikhdii aasaaskii xarunta Fistulaha Boorama kaas oo uu sheegay in la aasaasay Sannadii 2003 uuna aasaasakeeda iska lahaa Dhakhtar Qaws kaas oo uu sheegay inay ku soo shaqayn jireen xaalado qalafsan oo bukaanka caadiga ahaa ay karhi jireen,waxa uuna nasiib wanaag ku sheegay in xarun caafimaad oo gaar ah ay dadka xanuunkan qaba u dhisaan kaas oo uu sheegay inay dhismahan haatan lagu daweeyo xanuunkan ay yagleeleen Sannadii 2008,kaas oo uu sheegay in ay ku daweeyeen in ka badan 2000 oo haween soomaaliyeed oo qaba xanuunka Isku furanka ama Fistulaha kaas oo uu sheegay inay ka kala yimaadeen guud ahaa dhulka afka Soomaaliga lagaga hadlo.

1 fistula (2)

 

Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxaa hadalo mahadnaq iyo dhiirigalin u badan ka soo jeediyay Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Awdal Iyo Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka Somaliland Waxa ayna dhamaantood Hoosta ka xariiqeen in Dhakhtarkani yahay Mid Adeegyada Caafimaad ee Fistulaha Si Habsami ah u sameeya ayna ka xukuuumad ahaan Taageersanyihiin wixii ay u baahdaana la qaban doonaan.

1 fistula (4)1 fistula (5)1 fistula (6)1 fistula (7)1 fistula (8)1 fistula (9)1 fistula (10)1 fistula (11)1 fistula (12)1 fistula (13)1 fistula (14)1 fistula (15)1 fistula (16)1 fistula (17)1 fistula (18)1 fistula (19)1 fistula (20)1 fistula (21)1 fistula (22)1 fistula (24)1 fistula (26)1 fistula (27)1 fistula (29)1 fistula (30)1 fistula (32)1 fistula (33)