Dagaal Duleedka Boorama Xalay Ku Dhex Maray Jabhada Al-Wabar Iyo Ciidanka Qaranka Somaliland.

Boorama(GNN)-Dabley Hubaysan oo ka mid ah Jabhada Al-Wabar ayaa xalay cabaara 3 Habeenimo weerar gaadmo ah ku soo qaaday saldhig ciidanka Qaranka Somaliland ka samaysteen Degaanka u dhaxeeya Boorama Iyo Quljeed Ee Buurta Diniqa waxaana halkaas ka dhacay dagaal fool ka fool ah oo saacado badan qaatay waxaase markii u danbaysay sida ay saxaafada u sheegeen qaar ka mid ah dadkii degaanka ahaa ee ka agdhawaa halka ay xasaradu ka dhacday ciidanka qaranku ku guulasteen inay dablaydii dabada kaga dhacaan oo ay ku baacsadaan halkii ay horey uga soo duuleen.

Dhanka kale wararka kale ee aanu ka helaynyo degaanka Satwa Ee Galbeedka Boorama ay halkaas isku haleeleen ciidanka Qaranka Iyo Jahbadii firxadka ahayd ee ka holuushay dagaalkii ka dhacay degaanka Diniqa waxaana uu dagaalkaasi socday sida ay saxaafad sheegeen dad ka agdhawaa degaankaas mudo kooban.

Dagaaladan saaka ilaa xalay ka dhacayay duleedka Boorama ayaa ilaa haatan warar rasmi ah laga hayn dhaawacyada iyo wax dhimasho ah oo dhacay wasaase la sheegayaa in ay jiraan dhaawacyo dhinaca jabhada Al-Wabar.

 

logadagnn