Dawlada Maraykanka Oo Diyaaradeheeda Ka Mamnuucday Inay Isticmaalaan Hawada Somalia Iyo Sababaha Keenay.

Washington(GNN)-Dalka Maraykanka, ayaa dhammaan shirkadihiisa diyaaradaha ka Mamnuucay inay isticmaalaan Hawada Dalka Somalia, isla-markaana ay ka degeen Garoomada ku yaalla Dalkaas, iyadoo sababtana lagu sheegay inay ka jirto Halis Ka iman karta Dhinaca Kooxda Al-shabaab.

Wasaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa dalka Soomaliya ku dartay liiska wadamada ay haboon tahay in laga feejignaando Garoonadooda diyaaradaha.

Afhayeen u hadlay wasaaradda oo lagu magacaabo Peter Gibson ayaa sheegay in go’aankan uu sabab u yahay cabsi laga qabo in Al Shabaab ay afduubaan Diyaaradaha.

Peter Gibson, ayaa sheegay in Al-shabaab ay awood u leeyihiin soo rididda diyaaradaha maraya hawada dalka Soomaaliya, iyagoo intaa raaciyay in ururkan ay heystaan hubka lidka diyaaradaha qeybihiisa kala duwan.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay soo rideen diyaaradda IL-76 March 2007 iyo iyagoo weeraro ku qaaday garoonka diyaaradaha Muqdishu.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Weerarada waxa loogu yeedho argagixisada ee Muqdisho inay yihiin kuwo joogto ah, islamarkaana lagu bartilmaameesan karo ajaanibta ku sugan dalka.

Arintan ayaa timid kadib markii May 5-teedii 2015-ka uu dalka Soomalaiya booqasho ku yimid John Kerry, todobaadkii hore dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay la laabatey magacaabistii Safiirkii loo magacaabay 24-kii February 2015-ka.

 

logadagnn