Siday ay xaqiijiyeen goob joogeyaal ku sugan jiida Qorilugud waxa xalay halkaasi soo gaadhey maleeshiyaad hubaysan oo ka socday dhinaca degaanka Buuhoodle,kuwaas oo la sheegaayo inay habab cusub weeraro doonayeen inay u fuliyaan.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo hore loogu baaqay nabadgelyo degaankaasi ka tisqaada,waxaana dhowaan heshiisyo hor dhac ah lagu gaadhey degmada Coodale ee gobolka Buuhoodle,kuwaas oo lagu saaray guddi ka shaqaysa arrimahaasi.
Dilkan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyey ee dhaca intii heshiiskaasi ay wada gaadheen labada beelood ee Dhulbahante iyo Habarjeclo oo muddo colaad culusi soo dhex taalay,waxaanu noqonayaa dilkani mid gebi ahaanba meesha ka saara heshiiskii la gaadhay ee muddada laga soo shaqaynaayey.