Jaaliyada Somaliland ee Bristol -Uk oo Udiyaar Garoobay 18 may 2015

Waxa   Ka socda  Magaalada Bristol Uk Qaban qaabada Munaasibada
18 may ee maalinta lasoo noqoshada madaxbanaanida Somaliland sanad

Guurada 24aad waxa Jaaliyada Somaliland ee magaalada Bristol uk ay

ku Hawlanyihii Sidii ay Munaasibadaasi ay uga Qabsoomilahayd magaalada

Bristol uk . Waxana Dhamaan Laga Dareemayaa Qabanqaabada Xafalada 18 may Guud ahaan uk oodhan gaar ahaan magaaladan bristol . iyada oo
ay dhamaan dadka ku nooli magaaladni ay iskusii diyaarinayaa kaqayb galka

. waxaana lagu qabandonaa munaasibada maalintan, BRISTOL UK 18 may 2015 ee Bishan Aynu ku jirno Hadii Alleha Awoodaleh uu yidhaado. Waxad Magaalada Dhexdeeda ku Arkaysaa Diyaar Garow Fara

Badan iyada oo Calamadii Somaliland ay Dadki sii diyaarsadeen .
Hadaba aynu bal dib u yara eegno Taariikhada Somaliland iyo maraxaladii

Ay soo martay oodhan. Somaliland waxa lagaga dhawaaqay dib ulasoo Noqoshadeeda Magaalo madaxda Gobolka togdheer ee magaalada BURCO. 18 may 1991 kii. waxa burco isku yimi oo go,aanka wada qaatay

Dhamaan Beelaha Somaliland oodhan in ay Madaxbananida Somaliland ay

Tahay mid Muqadis ah oo Lama Taabtan ah. waxanay Beelaha Somaliland ee Halkaasi isugu yimi ay iswada saxmaxeen waxanay isla qaateen in meel looga soo wada jeesto sidii somaliland loga midho dhalinlahaa.

Shirkaasi waxa horumuud u ahaa oo Hogaaminaayey Ururkii SNM, iyo Gole Guurti ah, waxana ayana Door laxadleh kaqaatay oo lagu Casuumay dhamaan Madax Dhaqameedyada Beelaha Darafyada s/land iyo siyaasiyiin aan ku jirin Ururkii SNM.
Ilaahay Naxariistii jano Hakawarabiyee Cabdiraxmaan Axmed Cali [tuur] oo Wakhtigaasi ahaa Gudoomiyaha ururka SNM. ayaa waxa halkasi lagu doortay madaxweynihii ugu horeyey ee somaliland ay yeelato Cabdiraxmaan Axmed

cali [TUUR], Waxan isagana ku xigeen loo Doortay XASAN CIISE JAAMAC. oo isaguna Haatan ku nool magaaladaha
Hargeysa Ahaana Gudoomiyihii Ururkii Xaqsoor ee hadhay.
Habada Somaliland waxay soo martay maraxalado kala duwan iyo wakhti

kala gadisan. 18 may waa maalin ku Sutan Taariikhada Somaliland waa maalin Jiilasha hore u ah Wakhti xasuus ah. Jiilashadabana dhiirigalin iyo Rajo u ah. waa maali ay Somaliland ay kabadbaaday inay ku dhacdo

Godmow oo aanay kasoo Bixi karin. Waa maalin Ubaahan in muwaadin

kastaa uu dib u Xasuusto. taariikhdii madoobayd. Halgankii. Rafaadkii. Barokicii iyo Maatidii lalaayey ama laxasuuqay , iyagoon waxba galabsan. iyo Baabi ii ku dhacay Shacabka Somaliland oodhan.

Waa Maalin mudan in Laxasuusto Kumayaalkii Halyey Ee u Duurgalay inay Shacabkooda ay Dulmiga Karidaan. Waa maali mudan in Loo Duceeyo oo Faataxada loo maro intii ku Geeriyootay Halgankii Dheeraa ee dalka loo

soo maray.
18 may waa maalin mudan in Laga Farxiyo Dhamaan Agoontii iyo Dumarkii ay Katageen Geesiyaashii Naftooda U wayey Qaranka Somaliland.
Run Ahaan tii Masoo koobi karno Qiimaha 18 may ee maalin tani ay Ugu

Fadhido Qaranaka Somaliland. iyo Muhiimada ay leedahay.
waxaan somaliland u rajaynaa Guul iyo Barwaaqo iyo in ay caalamka ka Hesho Citiraaf Buuxa Inshalah.,

 

abdi     barud       xarago    Bristol  uk..