Nuxurka Khudbad uu Ka Jeediyay Af-hayeenka Madaxtooyada SL Xafladii 18ka may Ottawa + SAWIRO.

Af-hayeenka oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Munaasibada ayaa jaaliyada Somaliland ee degan Ottowa uga waramay halka uu imika marayo dalku isagoo jaaliyadana ku amaanay gacanta muuqato ee ay kaga jiraan horumarka dalka.
Mudane Amed Saleebaan Dhuxul ayaa si mugle uga waramay waxyaabaha uqabsoomay xukuumada hada talada haysa iyo dedaalka loogujiro sidii dalka Somaliland uu unoqon lahaa dal isku filnaasho dhinac walba leh gaadha.
Khudbada uu afhayeenku ka jeediyay xuska 18ka may ayaa ahayd khudbad ay dadkii munaasibada fadhiyay soo jiidatay. Af-hayeenka ayaa laga yaabaa inuu Ottowa usii dhaafo Dalka Maraykanka.
Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa jaaliyada Somaliland ee Reer Canada ku dhaqan oo si weyn aanu uga wada qaybgalnay xuska sanad guurada 24aad ee 18-MAY-2015 oo ka soo wareegtay markii aynu kala soo noqonay madaxbanaanideena wixii la isku odhan jiray Somali weyn,
aniga oo dalkii hooyo uga soo kicitimay in aan kala qaybqaato qurbajooga somaliland ee ku dhaqan Canada xoojinta iyo balaadhinta maalintani qaranka ka mudan tahay, kuna hadlaaya afka madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ee aan Afhayeenka u ahay.
Sidoo kale waxaan mahadnaq balaadhan halkan uga soo jeedinayaa jaaliyada Somaliland ee Canada oo si weyn igu soo dhawaysay dalka Canada intii aan joogayna, aanu wada yeelanay kulamo muhiima oo xogwaraysi ah ku kala qaadanay xogta dalkii taala iyo ta qurbaha,
sidoo kale waxaan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa sidii qiimaha badnayd ee ay I casuumeen ina sagootiyeen dhamaan jaaliyada Canada, oo isugu jirta haldoor, Aqoonyahan, culimo, dhalinyaro iyo haweenba.
Waxaanan idin rajaynayaa insha allaa sanadka sanadkiisa inaad ku gaadhaan badhaadhe barwaaqo iyo idinka oo nabad ah iyo dalkii oo horumar iyo ictiraaf buuxa hela.