Halkan Ka Akhri Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Garowe Madaxda Somaliya Uga Socday+SAWIRO.

 Garowe (GNN)-Waxaa Maanta War-Murtiyeed laga soo saaray shirkii wada tashiga ee Magaalada Garawe ku lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynayaasha Maamulada Puntiland, Koonfur Galbeed iyo Jubba.
Shir socday mudo labo maalin ah ayna ka qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ayaa ugu dambeyn maanta laga soo saaray War-Murtiyeed dhoor qodob ka kooban oo ay isku raacsan yihiin Madaxda kulanka wada qaatay.

Qodbada ugu muhiimsan ee War-murtiyeedka ayaa ka mid ah fulinta iyo hirgelinta heshiisyadii horay loowada galay waxaana lagu heshiiyey in guddi loo saaro si uu dabagal iyo fulin ugu sameeyo qodobadii shirkan iyo kii hore.

Waxaa sidoo kale la isku raacay in guddiga dib u eegista Dastuurka la dhamaystiro xubnaha ka dhiman ee maamulada laga soo xulayo si uu shaqiisa uguto dibna u eego qodobada lagu muran san yahay.

Barnaamijka Hiigsiga 2016 ayaa la sheegay in dowladdaha xubnaha ka ah federaalka iyo dowladda ay kawada shaqeeyaan sidii dalka u gaari lahaa doorasho xor ah sidoo kalan dhismaha maamulada ayaa la isku raacay in inta dhiman loo sameeyo maamulo KMG ah si ay uga mid noqdaan dowladda feeraalka.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo ka hadlay War-Murtiyeedkan ayaa si weyn waxa ay usoo dhaweeyeen Qodobada lagu heshiiyay, waxa ayna isku baraarihiyeen in muhiim tahya in la dhooro qodobada Heshiiska.











 logadagnn