DAAWO:Raggii Toogtay Xildhibaan/Fanaanad Saado Cali Warsame oo Muqdisho hadda lagu toogtay + SAWIRO.

Muqdisho (Gabiley.net) Waxa mar dhawayd barxada Iskuulka Police-ya ee Magaalada Muqdisho lagu toogtay laba nin oo ka tirsan kuwii dilay Fanaanadii Saado Cali Warame oo wakhtigaa ahayd Xildhibanad dawladda Somaliya ka tirsan.

Ragan la toogtay ooh ore uga soo muuqday muuqaal laga baahiyey TV-ga Somaliya, ayaa qirtay in ay ka danbeeyeen Weeraro kala duwan oo lagu dilay xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan

Xildhibaanada ay dileen ragan la toogtay waxa ka mid ahaa Saado  Cali Warsame, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd, Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer, Axmed Odowaa Baale, Maxamed Axmed Qaanuuni oo labaduba ka tirsansaa hayaddda Nabad Sugida Somaliya.

shuc_1 shuc_2 shuc_3 (1) shuc_3 shuc_4

 

Gabiley News Network