Somaliland Iyo Itoobiya oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Labada Dawladood Iyo Arrimaha Mandaqada

Addis Ababa (GNN)- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo u weheliyo Safiirka Somaliland u fadhiya Addis Ababa, ayaa kulan la yeeshay Wasiir-dawlaha wasaaradda khaarajiga dalka Itoobiya Ambassador Berhane.

Sida lagu sheegay war-saxafadeed uu ku saxeexnaa Safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye oo maanta ka soo baxay xafiiska safaaradda ayaa lagu faahfaahiyay nuxurka wada-hadalka kulankaas ay wada yeesheen labada masuul.

War-saxaafaddeedkaasina waxa uu u qornaa sidan:- “Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ee Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo beryahanba hawlo shaqo u joogay, magaalo madaxda dalka Itoobiya ee Addis-Ababa, ayaa maanta (shalay) xafiiskiisa kulan balaadhan kula qaatay wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda dalka Itoobiya Amb. Berhane, guud ahaan labada masuul waxay ka wada-hadleen xaaladda gobolka Geeska Afrika, xaaladda Yemen iyo gaar ahaan xidhiidhka dhinacyada badan ee taarikhiga ah, walaaltinimo ee ka dhexeeya labada waddan, Somaliland iyo Itoobiya iyo sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsiga iyo walaaltinimada labada shacab,

Kulankan oo qaatay saacad badh, waxa wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ku wehelinayay, wakiilka Somaliland ee Addis-Ababa, Mudane Ayaanle Salaad Diiriye, iyadoo wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya uu wehelinayay Ambassador Soloman, Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha dibadda, ee Afrika, iyo xubno kale oo wasaaradda arrimaha dibadda ka tirsan. Ugu dambayn kulankani wuxuu ku soo gabagaboobay guul iyo is af-garad.”

 

 

logadagnn