Wefdi Somaliland ah oo ka qayb galay shir ka Furmay Hamburg, GERMANY + Sawiro

 Wafdi Somaliland ah oo ka kooban Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac (Awxoog) iyo Axmed Xasan oo ka

 

2socda shirkadda Somliland Renewable Energy ayaa ka qeyb galay Shirweyne balaadhan oo aad u muhiim ah oo lagu lafagurayay siday dawladda JARMALKA iyo dawladaha AFRIKA

1

isaga kaashan lahaayeen maal gelinta tamarta la cusboonaysiin karo ee nadiifta ah ee laga dhaliyo, cadceedda, dabeysha iyo biyaha ayaa maanta ka furmay magaalada xeebeedka Hamburg ee dalka Jarmalka.  Shirweynuhu wuxuu socon doonaa laba maalmood, 4-5 May 2015. Shirweynahan waxa ka soo qeyb galay wufuud isugu jira Afrikaan iyo jarmal oo ay hogaaminayaan wasiiro iyo xildhibaano. Waxa kale oo shirka ka soo qeyb galay dhammaan safaaradaha dalalka Afrika u fadhiya dalka jarmalka. Waxa kale oo goob joog ka ahaa shirweynahan shirkadaha waaweyn ee dalka jarmalka sida:- Siemens International , GAUFF, KfW DEG, VOITH, MAN Diesel & Turbo, Andritz HYDRO, DEA. Wufuudda ka soo qeyb gashay shirweynahan waxay ahaayeen 400 iyo dheeraad qof.

 Wefdiga qudha ee ka socday dalalka Afrika ee Afsoomaliga ku hadla ee ka qeyb galay shirweynahan wuxuu ahaa wefdiga ka socday Jamhuuriyadda Somaliland ee.. uu hogaaminayay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ( Awxoog) oo ka tirsan GOLAHA FULINTA XISBIGA WADDANI IYO BAARLAMAANKA JSL.
Wefdiga JSL waxa la fadhiisiyay goobta loogu tala galay dadka muhiimka ee VIP-da, sida Xildhibaanada, wasiirada iyo safiirada. Wefdiga Somaliland wuxuu fadhiyay safka labaad ee shirweynaha oo ku xigay safka ay fadhiyeen wasiirada dawladda Jarmalka, Mayor-ka magaalada shirku ka dhacayay ee Hamburg iyo Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga Yurub ee qaabilsan dawladaha Afrika iyo kuwa kulaala badda Mediterrnean-ka.3

Wefdiga Somaliland waxay u Sharaxeen wufuudda ka soo qeyb gashay shirka tarriikhda iyo qaddiyadda gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadda buuxda ee ka jirta.

Waxa kale oo wafdiga Somaliland ka dhaadhiciyay shirkadaha ka soo qeyb galay shirweynaha in ay maal gashadaan dalka Somaliland.

DADKA MUHIIMKA AH ( VIP ) EE KA HADLAY FURITAANKA SHIRWEYNAHAN WAXAY KALA AHAAYEEN:_4

1. Dr. Stefan LIEBING: European Business Council for Africa & Mediterrnean (Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga Yurub ee Dawladaha Afrika iyo kuwa kulaala badda Medterneanka).

2. Olaf SCHLOZ, Mayor-ka magaalo xeebeedka martida loo yahay ee Hamburg.

3. Stephan Steinlein, State Secretary Federal Foreign Office , Germany. ( Wasiir ku xigeenka Wasaaradda  Arrimaha Debedda ee Dawladda Federaalka ah ee Jarmalka ).

4. Rainer Baake, State Secretary Federal Ministary Of Economic and Energy, Germany. ( Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dhaqaalaha iyo Tamarta ).

 

intaa ka dib waxa bilaabmay doodo iyo falanqeyn dhaw
r ah oo wufuuddu ku lafagurayso mowduucyo muhiim ah oo ku saabsan Tamarta waxaana ka mid ahaa :-

1.Powering Africas  Future, High Level Outlook on Africas Energy Sector ( Xoojinta Mustaqbalka tamarta ee qaaradda Afrika. Falanqeyn Heersare ah oo lagu eegayo, laguna gorfeynayo qeybta tamarta ee qaaradda Afrika ).

2. Sustainable Hydro Power Generation, Financing energy projects. Curinta tamarta laga dhaliyo biyaha oo la joogteyn karo, maalgelinta mashaariicda tamarta.

3. Renewables- Africas way to sustainable Grouth.(Tamarta la cusboonaysiiyo ee laga dhaliyo cadceedda, dabaysha iyo biyaha, Habka Afrikaanka ee loo joogteeyo koritaanka):

4. New Developments Of the Oil and Gas Sector. ( Waxyaabaha ku cusub qeybta saliidda iyo gaasta ee Afrika ):

La soco shirweynaha Maalinta 2aad, Salaasa 05/05/2015