Xafiiska Dawladda Ingiriisku Ku Leeyahay Hargaysa oo 3 Qodob Kasoo Saaray Guurtida Iyo Doorashada Somaliland.

Warqad kasoo baxday xafiiska Ingiriisku ku leeyahay magaalada Hargaysa ayaa lagu sheegay in beesha caalamku ay ka walaacsan tahay cawaaqib xumada uu Somaliland ka abuuri karo, go’aankii ay golaha guurtida oo xukuumadda iyo golaha wakiilada u kordhiyay 21 bilood.

Xafiiska Ingiriisku ku leeyahay magaalada hargaysa waxaa kale oo uu sheegay in ay ka cabsi qabaan in go’aanka guurtidu ku kordhiyeen mudda xileedka xukuumadda iyo barlamaanka ay  burburin doono  kalsoonidii caalamka iyo dimuqrimageaadiyaddii Somaliland ka jirtay.

dhanka kale warmurtiyeedkani kasoo baxay dawladda Ingiriiska waxaa lagu xusay in ay soo dhawaynayaan shirka wada tashiga ah ee ay ku baaqday xukuumadda Somaliland, oo ay ku tilmaameen mid lagu dabo qabatayn karo go’aankii guurtida.

Dawladda Ingiriiska ayaa dhanka kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku loolamaya siyaasadda, in ay is dajiyaan inta ka horaysa shirkaasi wada tashiga ah ee madaxwaynuhu ku baaqay, iyagoo intaasi ku daray in wafti balaadhan oo beesha caalamka ka socdaa ay muddo isbuuc ah joogi doonaan Somaliland si xal looga gaadho arrimaha cakiran.

 

logadagnn