Xildhibaanka ayaa la diley isaga oo ka soo baxay salaadii makhrib masjidkii uu ku tukadey oo lagu magacaabo Abu-hureyra.
Kuwa dilka geystey oo rasaas iyo bombada gacanta adeegsadey ayaa markiiba gaari ku baxsadey sida ay warbaahinta u sheegeen goobjogayaal.
Ma jirto cid sheegatey dilkan oo dhacay saacado ka hor, waxaase Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ayaa sheegey in ay ku tuhmayaan in al-Shabaab ka danbeeyaan dilka Xildhibaanka.
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ayaa ku sugan magalada Galkacyo isaga oo safar diyaradeed kaga yimid magaalada Kismaayo.
Waa Xildhibaanki u horeeyey ee maamulka Puntland gudaheeda lagu dilo tan iyo markii uu xilka la wareegay Cabdiweli Gaas, bishii hore ee Abril ayaa al-Shabaab sheegteen dil loogu geystey magaalada Muqdisho Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo ka tirsanaa baarlamaanka maamulka Puntland.