Xildhibaan kasoo jeeday Somaliland oo ay walaalo ahaayeen Gudoomiyihii hore ee baanka SL ayaa maanta Xamar lagu dilay.

Xildhibaan Yusuf Dirir Cabdi oo ay walaalo ahaayeen Gudoomiyahii hore ee  Baanka dhexe SL Cabdi Dirir Cabdi ayaa galabta ku geeriyooday cisbitaalka digfeer oo loola cararay dhaawaciisa ,kadib markii maanta jidka ay u galeen rag hubaysan gawadhi ay wateen xildhibaano ree SL ahi ,marxuumka ayaa waxa kale oo la geeriyooday dirawalkiisii

waxa kale oo dirqi kaga badbaaday weerarkaasi Xildhibaan Cabdalle Boos oo isaguna Somaliland kasoo jeeda.Gudoomiyaha Baarlamaanka Xamar ayaa tacsiyeeyay Geerida xildhibanka waxanu xukuumada ugu baaqay inay soo qabto ragii dilka gaystay oo ku baxsaday gaadhi Ambulance ah oo ay wateen.

kooxda ree Somaliland ee Xamar u shaqo tagay ayaa ku nool Cabsi iyo warwar joogto ah ,mana aha markii koowaad oo lagu dillo muqdisho ,tiro kale oo xildhibaano ah ayaa hore loogu khaarajiyay muqdisho.

 

logadagnn