Xisbiga EPRDF ee xukuma wadanka Ethiopia ayaa ku Guuleysta dhamaan kuraasida Baarlamaanka.

Warbixin hordhac ah oo ay soo saareen Gudida komishanka doorashooyinka wadanka EthiopiaThe National Electoral Board of Ethiopia (NEBE) ayaa tibaaxaysa in dhamaan kuraasida baarlamaanka heer qaran uu ku guuleystay xisbiga talada haya ee EPRDF.

Kililka Tigray ayaa la sheegay in xisbiga The Tigray People’s Liberation Front (TPLF-EPRDF) uu ku guuleystay dhamaan 31 kursi ee deegaankaasi.Kililka Amhara xisbiga Amhara National Democratic Movement (ANDM-EPRDF) ayaa ku guuleystay dhamaan 107 kursi oo deegaanka Amxarada lagu tartamayay.Kililka Oromiya 150 kursi oo lagu tartamayay waxa dhamaan ku guulaysty xisbiga  Oromo People’s Democratic Organization (OPDO-EPRDF).Kililka Somalida oo lagu tartamayay 16 kursi waxa isagana ku guuleystay the Ethiopian Somali Democratic Party (ESDP-EPRDF) .kililka  Benishangul Gumuz na xisbiga  the Benishangul Gumuz Democratic Party ayaa ku guuleystay dhamaan 7 kursi oo lagu tartamayay.

Sidaa si lamid ah kililka Shucuubta Qowmiyadaha Koonfureed oo uu kasoo jeedo Ra,iisal wasaaraha hada talada haya 95 kursi oo lagu tartamayay waxa dhamaan ku guuleystay xisbiga  Southern Ethiopian People’s Democratic Movement (SEPDM) oo hoos taga dallada EPRDF ,Kililka Gambela xisbga  The Gambela People’s Democratic Party ayaa ku guuleystay dhamaan 3 kursi oo lagu tartamayay.Kililka Hereri da 3 kurso oo lagu tartamaya 2 kamid ah waxa ku guuleystay xisbga The Hareri National League ,halka ka 3 aadna uu ku guuleystay xisbiga Oromada OPDO-EPRDF.

Ismaamulka Diridawa labada kursi oo lagu tartamayay waxa ku kala guuleystay xibiga Oromda OPDO-EPRDF iyo Xisbiga Somalida  Somali People Democratic Party (SPDP).

Ugu danbayna magaaladda caasimada ah ee Adis Ababa dhamaan 23 kursi oo lagu tartamayay waxa ku guuleystay xisbiga EPRDF .

Natiijada rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu dhawaqo badhtamaha bisha June ,sida uu dhigayo dastuurka wadanka Itoobiya xisbiga ku guuleysta aqlabiyada kuraasta Baarlamaanka ayaa dooranaya Raiisal wasaaraha isla markaana soo dhisaya xukuumada.

logadagnn