Xukuumadda Somaliya oo sheegtay in xildhibaan Yuusuf Dirir ay dileen ciidanka Dawladu

Baadhitaano lagu sameeyay dilkii loo geystay shalay xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi iyo dhaawac loo geystay xildhibaan kale iyo laba qof la socday ayaa la sheegay inay geysteen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Warar hordhaca oo ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in baadhitaano tan iyo xalay socday lagu ogaaday in ciidammo ka tirsan millateriga Somaliya ay dilkan geysteen.

Sidoo kale, baadhitaannada ayaa lagu sheegay  in aanay Al-shabaab dilin xildhibaanka, sheegashadoodana ay tahay mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin.

Lama garanayo sababta ciidamada Somaliya u dileen waxase laga war hayaa in la ugaadhsado xildhibanada aan ka soo jeedin beesha Xassan Sheekh.

 

Wararka wixii ka soo kordha kala soco :Gabiley.Net