DAAWO:Wacdarihii Xuska 26-June 1960 kii oo lagu qabtay Qasriga mataxtooyada iyo Hadaladii Madaxda +SAWIRO.

Xafladan qiimaha badan ayaa waxa isugu yimid odayaal iyo masuuliyiintii wakhtigii ay Somaliland qaadatay Xornimada kala wareegay Boqortooyadii Ingiriiska, waxaana ka mid ahaa DC-gii ama Gudomiyihii wakhtigaasi lagu wareejiyey xornimada Somaliland oo ahaa Cismaan Axmed Xasan (Indhoole), Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe), Maxamuud Aadan Dheri, Saxardiid Raage oo dhamaantood ka waramay qiimihii xornimadu lahayd, Dareenkii, xamaasadii iyo sidii loogu wareejiyey Somaliland.
WARBIXINTA ROYAL TV:
Sidoo kale waxa xafladan ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse biixi Cbadi, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Aadan Xaaji Cali, Marwada Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh maxamed Jirde, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan, iyo Masuuliyiin tiro badan oo kale.